Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland oo Qabatay Kulan Wacyigelin ah oo Lagaga Hortagayo Xanuunka Kansarka

Thursday February 05, 2026 - 14:37:01
HADHWANAAGNEWS
Kulankan ayaa Wasaaraddu si wadajir ah ula fulisay


May be an image of hospital and text that says 'asaaradda Horumarinta Xuska Maalinta Caafimaadka JSL Ee Xanuunka Cancerka Caalamiga ah MaansoorHotel,Hargeisa Maansoor Hotel, Hargeisa CONONINTIE February THFebruary2026 2026 MEALTHCARE BORDERS BORL NEEDLE PATHOLOBYLACORATCRES PATHOLOSYL 43'

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo qabanqaabisay kulan ballaadhan oo wacyigelin ah oo ku saabsan ka hortagga iyo la tacaalidda xanuunka Kansarka (Cancer), munaasabad ku beegan maalinta caalamiga ah ee kansarka oo sanad kasta maanta oo kale laga xuso dunida oo dhan.

Kulankan ayaa Wasaaraddu si wadajir ah ula fulisay Taiwan Medical Mission in Somaliland iyo NEEDLE Pathology Center. Halku-dhigga sannadkan ayaa ahaa "United by Unique”, taas oo muujinaysa muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagula tacaalayo kansarka, iyadoo la tixgelinayo kala-duwanaanshaha bukaan kasta iyo baahidiisa gaarka ah.

Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin iyo khubaro ka kala socday Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), hay’adaha ka shaqeeya xanuunnada raaga iyo kuwa aan la kala qaadin, iyo sidoo kale dhakhaatiir ku takhasusay baadhitaannada iyo daawaynta kansarka.

     
Loading...