Waa kuwee su'aalaha aad waydiin karto qofka ku wareysanaya inta lagu gudajiro wareysiga shaqada?

Saturday January 31, 2026 - 09:32:46
HADHWANAAGNEWS
" Sideen idiin siin karaa qiimo dheeraad ah?"


Xasuusnow shirkadda ku wareysanaysaa in ay doonayso hab ay dakhli dheeraad ah ku kasbato. Taasi waxay ka dhigan tahay in saacadaha aad u shaqaneyso iyo mushaharka ay ku siiyaan mid ka badan aad soo saarto . Si kooban: waxay raadinayaan qof siin kara shirkadda qiime ka sarreeya kharashka ay isaga ku bixinayso.
Inta badan arrintani waxay noqotaa faa’iido wadaag (win-win), maadaama adiguna aad tahay qof doonaya inuu lacag sameeyo.
Haddii aad ku qanciso in marka ay ku shaqaaleysiiyaan helayaan wax ka qiimo badan waxa ay kugu bixiyaan, isla markiiba waxa ay kuu qaadan doonaan shaqada.
Iyada oo arrintaas laga duulayo , su'aalaha aadka u wanaagsan ee aad waydiin karto, kuwaas oo maskaxdooda ku beeraya feker iyo inay adi ku shaqaaleysiiyaan, waxaa ka mid ah:

" Sideen idiin siin karaa qiimo dheeraad ah?"
"Maxay shirkaddani dhab ahaan raadineysaa?"
"Waa maxay shaqada aad rabtaan in aan qabto ee ka baxsan waxa heshiiskan ku qoran?"

Waydiimaha noocan ahi waxay qofka ku wareysanaya u diraan farriin cad oo ah, inaad si dhab ah u rabto shaqada, dooneysana inaad maalgashato oo qayb ka noqoto guushooda. Arrintani waxa ay muujineysaa hindise oo ay badi dadku ka baqaan ama ayna diyaar u ahayn inay muujiyaan.
Hadda, su'aalaha noocan ahi badanaa maaha kuwo ku habboon shaqooyinka heerka bilowga ( entry-level ) shaqada kowaad/ entry level waa shaqo loogu talagalay dadka aan khibrad badan u lahayn shaqada ama dadka hadda ka baxay dugsiga/jaamacadda. balse, mararka qaarkood halkaas ayay faa'iido ku yeelan karaan!
Dabcan, badi loo shaqeeyayaashu waxay kugu soo celin doonaan waydiinta, iyaga oo ku waydiinaya: Adigu waxaad u malayneyso ama kula tahay , laakiin, haddii aad garaneyso waad ka jawaabi kartaa ama si toos ah ayaa su'aasha ugu celin kartaa iyaga.

"Haddii aan rabo inaan mustaqbalka meel sare ka gaadho shirkaddan, maxay yihiin waddooyinka ama fursaddaha ii bannaan?”
"Waan ogahay inaan ka bilaabayo booskan, balse haddii aan doonayo inaan mustaqbalka jagooyin sare ka gaadho shirkaddan, maxaan u baahanahay inaan sameeyo? Halkee ayaan si dhab ah isugu muujin karaa ama deddaalkeyga ku soo bandhigi karaa?"

Shaqo-bixiyeyaashu ma raadinayaan inay shaqaale cusub qortaan toddobaad kasta.
Waxay rabaan dad la sii jooga, si adag u shaqeeya, oo daacad u ah shirkadda; sababtu waa in habka shaqaaleysiintu yahay mid qaali ah oo waqti iyo kharash badan qaata.
Haddii aad weydiiso sida aad u gaadhi karto heer halkan kasii sarreeya, kaliya ma siinaysid fikradda ah inaad rabto inaad waqti dheer la sii joogto shirkadda, balse sidoo kale waxaad muujinaysaa inaad leedahay dhiirigelin iyo hammi aad ku dhammaystiri karto shurruudaha lagaa rabo isla markiiba, xitaa inaad qaban karto in ka badan inta lagaa filayo!
Tani waxay u badan tahay inay mar kale abuurto xaalad faa’iido wadaag (win-win), taas oo ay si farxad leh u soo dhoweyn doonaan.

"Xirfaddo noocee ah ayaan baran karaa oo looga baahan yahay halkan, xitaa marka laga yimaaddo shaqada tooska ah?”
"Xirfaddo noocee ah ayay dadka ka tirsan shirkaddaada ama booskan inta badan haystaan ​​taas oo ka dhigaysa inay heer sare ka gaadhaan?"

Mar kale, tani waa su'aal muujineysa anshax shaqo oo adag , dhiirrigelin iyo daacadnimo u hayso shirkadda, balse keliya ay ka baxsan tahay heshiiska lagu siiyay.
Haddaba, haddii aad badiso waydiimahan jaadkan ah, waxay keeni kartaa inay dareengeliso, kaasi oo ah in ayna dhab kaa ahayn, sidaas awgeed ha badin. Laakiin haddii ay ku siin karaan tallooyin dhab ah oo kaa caawinaya inaad kor u kacdo ama meel sare gaadho, maxaa kuu diidaya in ka faa'iidaysato?!

Ogow: haddii ayna su'aasha ka jawaabin oo ay kugu soo celiyaan adiga , waxaad isku dayaysaa inaad si faahfaahsan uga hadasho. Waxaad u sheegaysaa sida caawintaadu u tahay caawinta shirkadda ( yacni deddaalka adiga lagu geliyaa, wuxuu ka muuqan doonaa shirkadda) sidaa awgeed, wax kasta oo ay ku siin karaan inaad ku shaqayso ama ku horumarin karto naftaada , si farxad leh ayaa uga guddoomaysaa. Mar kasta abuur xaallad faa'iido wadaag ah ( win-win situation)

" Xagee ayaa la tagaa/ ku soo gudbiyaa fikraddaha cusub ama wixii horumarin ah?"

Waydiintani waa mid khatar badan, maadaama ay dib kuu dhaawici karto gaar ahaan haddii ay tahay shaqo aan laga filanayn hala-abuurnimo badan shaqaalaha.
Marka booska shaqaddu yahay mid sare/ jago sare ( higher position) waydiintani way sii wanaajinaysaa, sababta oo ah waxay muujinaysaa hala-abuur iyo dhiirrigelin. Laakiin marka uu boos hoose tahay shaqaddu ( lower position), badi waxaa loo fasirtaa mid aan ku habboonayn ama xitaa inay tahay isla wayni.
Loo-shaqeeyuhu ma aamini doono inaad hayso fikraddo wax-ku-ool ah wuxuuna u arki karaa hal-abuurnimadaada inay dhib soo kordhin karto, caawin iyo horumar ay soo kordhiso iska daaye, maadaama lagu arko inaad weli khibrad yari kaa muuqato.
Kolba inta loo-shaqeeyuhu u furan yahay soo dhawaynta fikrad cusub, ayaa su'aashani faa'iido yeelanaysaa; haddii uu yahay mid xidhxidhan ama u jajabnayn soo dhawaynta fikraddaha cusub, waxaa uu xaalku noqonayaa lidka.

"Ma ii sheegi kartaa dadka aan la shaqeyn doono? Sidee bay dadka igu dhow noqon doonaan? Halkee ayaa la i fadhiisin doonaa?
Marka aad i eegto ilaa hadda, halkee ayaad u aragtaa inaan ugu fiicanahay?”

Dhammaan waydiimahani waxay qabtaan hal shay: waxay galaan maskaxda wareystaha.
Dhammantood si wacan uma wada shaqeeyaan. Midda ugu fiicani waa ta ay muuqaneyso dhabnimadeeddu, sidaa awgeed, waa inaad isku daydaa in abuurto waydiin ama woxoogaa waydiimo ah, oo adigu leedahay.
Waxaaad rabtaa maankooda degto, oo kuwa ku wareysanaya qalbigooda kalsooni badan ku abuurto. Waa inaad ka dhigto inay sawirtaan adiga oo ka shaqaynaya shirkadda ama sida ula jaanqaadi doonto shaqaalaha ; waxay kaa hor marineysaa dadka kale ee shaqada soo codsaday.
Yoolka ugu dambeeya wuxuu yahay: inay ku dareemaan inaad horeyba uga mid tahay shirkadda, ka hor inta aan si rasmi ah lagu shaqaaleysiin!

W/T: Maxamed Haybe Axmed

Qoraa Maxamed Haybe <[email protected]>
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...