Hay'adda ASAL oo Wajiga Labaad ee Biyo Qaybinta Gaadhsiisay Deegaannada Balliga-cas iyo Bidhiiqa

Monday March 16, 2026 - 11:13:40
HADHWANAAGNEWS
Masuuliyiinta ugu sarreeya hay'adda ASAL, oo uu hoggaaminayo ...



Hay’adda wadaniga ah ee ASAL oo weli wada gurmadka degdegga ah ee lagaga jawaabayo abaaraha ka jira dalka, ayaa wajiga labaad ee biyo qaybinta gaadhsiisay deegaannada Balliga-cas iyo Bidhiiqa ee gobolka Hawd.


 

Masuuliyiinta ugu sarreeya hay’adda ASAL, oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Fulinta Hay’adda Khadar Cabdillaahi Maxamed, ayaa kormeer ku tagay goobaha maanta la gaadhsiiyay biyaha si ay u qiimeeyaan sida gurmadku u socdo.


 

Illaa hadda, hay’adda ASAL ayaa labada deegaan ee Balliga-cas iyo Bidhiiqa gaadhsiisay 66 booyadood oo biyo ah, kuwaas oo loogu talagalay in lagu taageero bulshada iyo xoolaha ay abaaruhu saameeyeen.


 

Hay’adda ASAL oo muddooyinkii u dambeeyay si joogto ah ugu hawlanayd gurmadka dadka nugul ee abaaruhu saameeyeen, ayaa sidoo kale gaadhsiisay deegaanno kala duwan oo dalka ka mid ah gurmad isugu jira biyo, raashin iyo cunto xoolaad, si loo yareeyo saamaynta abaarta ee ku habsatay bulshada iyo xoolaha.

     
Loading...