Waxqabadka Wasaaradda Beeraha Somaliland: Dedaal Dhiirigelinaya Wax-soo-saarka Beeraleydda

Monday August 11, 2025 - 17:30:27
Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland waxay muddadii a



Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si muuqata u muujisay dadaal joogto ah, hufnaan iyo hal-abuur horumarineed oo ku jihaysan kobcinta wax-soo-saarka beeraha, la tacaalidda saamaynta abaaraha iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah, si loo dhiso nidaam beereed oo adkaysi leh. Dedaalladan waxa hogaaminaya Wasiirka Wasaaradda Maxamuud Cige Yuusuf, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax, iyo Agaasimaha Guud Eng. Cabdirisaaq Gass.

Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland waxay muddadii ay jirtay xukuumadda waxqabad iyo wadajir ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro hirgelisay tallaabooyin wax-ku-ool ah oo si toos ah u taabanaya baahiyaha dhabta ah ee beeraleyda. Wasaaraddu waxay si xeeladaysan uga faa’iidaysatay miisaaniyadda qaranka iyo fursadaha maalgelineed ee ay bixiyaan hay’adaha caalamiga ah sida Bangiga Adduunka, WFP, KfW, iyo dalka aynu saaxiibka nahay ee Taiwan.

Wargeyska Dawan oo ka mid ah warbaahinta sida dhow ula socota xaaladaha horumarineed ee dalka, gaar ahaan wasaaradaha muhiimka ah sida Wasaaradda Horumarinta Beeraha, ayaa falanqayn qoto dheer ka diyaarisay dadaallada iyo waxqabadka ay wasaaraddu ka hirgelisay dalka muddooyinkii u dambeeyay.

Dedaalladaasi waxay wax weyn ka beddeleen nolosha beeraleyda, iyaga oo si gaar ah diiradda u saaraya kobcinta awoodda wax-soo-saarka beeraleyda, taas oo ay ka mid yihiin: Helidda abuur tayo sare leh oo la jaanqaadaya cimilada deegaanka; horumarinta kaabayaasha beeraha, sida kaydka abuurka, waraabka, iyo agabka casriga ah; xoojinta xidhiidhka Wasaaradda iyo beeraleyda si loo dhagaysto baahidooda dhabta ah; la dagaallanka cudurrada iyo cayayaanka, si loo yareeyo khasaaraha dalagga iyo kobcinta suuq-geynta dalagyada maxaliga ah, si beeraleydu uga faa’iidaystaan wax-soo-saarkooda una helaan suuqyo joogto ah.

Kormeer, Xidhiidh iyo Xog-ogaalnimo

Kormeerro baaxad leh oo ay madaxda Wasaaradda iyo waaxaha kala duwan ka sameeyeen gobollada dalka, laga bilaabo Maroodi-jeex, Awdal, Salal, Sanaag, Saraar, Daad-madheer, Gabiley illaa Togdheer, ayaa ah tusaale cad oo muujinaya in siyaasadda beeraha ee dalku ay ku salaysan tahay xog-ururin toos ah, la tashiyo iyo in beeraleyda laga dhagaysto baahiyahooda. Waxaanay arrintani sare u qaaday kalsoonida bulshada ku qabto Wasaaradda Beeraha.

Tababbarrada iyo Kor u Qaadista Aqoonta:

Wasaaradda oo garwaaqsatay doorka ay aqoontu ku leedahay wax-soo-saarka casriga ah, waxay dalka dibadiisa tababarro sare ugu dirtay shaqaale ka tirsan wasaaradda, kuwaasi oo loo diray dalka Taiwan, sidoo kale waxay gudaha dalka ku qabatay kulammo xirfado cusub lagu barayo madaxda iyo shaqaalaha xafiisyada beeraha. Tani waa tallaabo xeeladaysan oo kor u qaadaysa tayada adeegga wasaaraddu bulshada u hayso.

Taageerada Beeraleyda:

Taageerada agabka beeraha ee ay Wasaaraddu sida tooska ah u gaadhsiisay beeraleyda gobollada Awdal, Maroodi-jeex iyo Saraar, waxa ay muujinaysaa in wasaaraddu u taagan tahay dardargelin wax-ku-ool ah, taasoo horumarinaysa isku filnaansha beeraleyda.

Mashruuca Adkeynta Nidaamka Cuntada JSL (SL-FSRP):

Waxaa intaas dheer mashruucyo kale oo horumarineed oo ay Wasaaraddu hormuud ka tahay, sida Mashruuca Adkeynta Nidaamka Cuntada ee Somaliland (SL-FSRP) kaas oo laga hirgelinayo meelo badan oo dalka ah, si loo adkeeyo nidaamka cuntada, gaar ahaan xilliyada abaaraha. Mashruucan SL-FSRP ayaa ah mid horumarineed oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka. Kaas oo ay ujeedadiisu tahay in la adkeeyo nidaamka cuntada ee Somaliland, lana xoojiyo adkaysiga bulshooyinka beeraleyda ah si ay u wajahaan caqabadaha isbeddelka cimilada, abaaraha iyo nuglaanta suuqyada.

Dhisidda Kaydka Abuurka (Seed Banks):

Kormeerka uu Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Somalialnd ku tegay dhismaha kaydka abuurka ee deegaanka Midhisho ayaa ah talaabo istiraatiiji ah oo mustaqbal fog xambaarsan. Tani waxay suurto-gelinaysaa ilaalinta noocyada abuurka waddaniga ah, taas oo wax weyn ka tari doonta badbaadinta dhaxalka beeraleyda iyo tayaynta wax-soo-saarka gudaha.

Xeerar, Siyaasado iyo Wacyi-gelin:

Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland waxay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo muujinaya himilada fog ee dalka ee la xidhiidha dhanka horumarinta beeraha. Laba arrimood oo is barbar socda ayaa tilmaamaya isbeddel dhab ah oo ku wajahan qorsheynta, nidaaminta, iyo kobcinta wax-soo-saarka beeraleyda.

Midda koowaad, waa diyaarinta iyo dhismaha Qorshaha Istaraatiijiyadeed ee Horumarinta Beeraha 2025–2030, waxa uu si weyn u muujiyey sida Somaliland ugu heelan tahay in ay ku tallaabsato hannaan waara, hal-abuur leh, kuna saleysan iskaashi xoojinaya isku-duubnida daneeyayaasha gudaha iyo dibadda.

Midda labaadna, waxay ahayd ansixinta siyaasadiha iyo xeerarka tiir-dhexaadka u ah horumarinta beeraha, oo ay ka mid yihiin Siyaasadda Sumaha, Xeerka Abuurka, iyo Siyaasadda Iskaashatooyinka. Tallaabadani waxay udub dhexaad u tahay nidaaminta suuqyada, tayaynta abuurka, iyo xoojinta iskaashatooyinka beeraleyda.

Iskaashiga Caalamiga ah iyo Maalgashiga Mustaqbalka:

Mashruuca weyn ee ay shirkadda AFS ku maalgelinayso Somaliland, kaas oo u kacaya adduun dhan ilaa $100 Milyan oo dollar, si ay u horumariso wax-soo-saarka beeraha, waa guul taariikhi ah. Sidoo kale, xidhiidhka dhow ee lala leeyahay Baanka Adduunka iyo Baanka Horumarinta Jarmalka KfW waxa uu muujinayaa in Somaliland si weyn u kasbanayso kalsoonida beesha caalamka.

Pharo Foundation (UK): Hay’addan samafalka ah ee fadhigeedu yahay Boqortooyada Ingiriiska waxay diiradda saartay taageerada wax-soo-saarka beeraha Somaliland, helitaanka biyaha nadiifta ah, iyo horumarinta nolosha dadka miyiga ku nool. Pharo waxay qorshaynaysaa mashruuc weyn oo beeraha ah oo laga hirgelin doono Somaliland.

TİKA (Turkiga): Hay’adda iskaashiga Turkiga ee TİKA waxay si joogto ah u taageertaa beeraleyda Somaliland, gaar ahaan gobollada ay abaartu saameysey. TIKA waxay bixisay bacriminta, abuur tayo sare leh, matoorro iyo qalab beereed, iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland.

FAO iyo Dowladda Switzerland: Iskaashiga u dhexeeya Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), Dowladda Switzerland iyo iskaashiga Somaliland, waxa uu horseeday mashaariic muhiim ah oo lagu horumarinayo hab-nololeedka beeraleyda, iyada oo xooga la saarayo la tacaalida cunto yarida, abaaraha, iyo helidda suuqyo ay beeraleydu si toos ah ula falgeli karaan.

SIAR (Somaliland Institute for Agricultural Research): Iskaashiga ka dhexeeya wasaaradda Beeraha Somaliland iyo Machadka cilmi-baadhista beeraha ayaa door muhiim ah ka ciyaaraya tijaabinta abuur cusub oo la jaanqaadaya cimilada deegaanka, cilmi-beereed casri ah, iyo kobcinta ciidda. Machadkan wuxuu iskaashi toos ah la leeyahay xarumaha caalamiga ah ee cilmiga-beeraha sida ICRISAT (International Crops Research Institute for the Semi-Arid Tropics) iyo CIMMYT (International Maize and Wheat Improvement Center).

Iskaashigan ballaadhan ee u dhexeeya Xukuumadda Somaliland, hay’adaha horumarineed, iyo machadyada cilmiga-beeraha, waxa uu caddeyn u yahay in dalka uu ku talaabsanayo geeddi-socod waara oo ku dhisan wax-soo-saar maxalli ah, cilmi, iyo iskaashi caalami ah. Waa tallaabooyin muujinaya iftiin cusub oo ku soo kordhay mustaqbalka beeraleyda reer Somaliland.

Gunaadad:

Waxqabadka Wasaaradda Beeraha Somaliland ee sannadkan 2025 waxa uu ka turjumayaa aragti dheer, maamul hufan, iyo la jaanqaadid isbeddelka cimilada iyo suuqyada. Iskaashiyada gudaha iyo caalamiga ah, siyaasadaha iyo xeerarka la ansixiyay, iyo mashaariicda waaweyn ee la hirgeliyey, waxay dhidibada u taagayaan in mustaqbal ay Somaliland ka mid noqoto dalalka Afrika ee ku tallaabsaday isku filnaanshaha dhinaca cuntada, isla markaana u diyaarsan dhoofinta wax-soo-saarka maxaliga ah.

     
Loading...