Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markale muujisay dadaal muuqda oo lagu doonayo in si wax-ku-ool ah looga faa’iidaysto khayraadka dabiiciga ah ee baddeena, taas oo hodan ku ah noocyada kala duwan ee kalluunka iyo khayraad kale ee badan.
Ka faa’iidaysiga khayraadka badda ee Somaliland waxa uu fure u noqon karaa koboc dhaqaale oo muuqda, isla markaana si toos ah u saameyn kara nolosha bulshad reer Somaliland, isla markaana wax weyn ka bedela heerka dakhliga maalinlaha ah ee dadka, gaar ahaan dhinacyada shaqo abuurka, dakhli korodhka, iyo sugnaanta cunno. Khayraadkani waxa uu door muhiim ah ka ciyaari karaa yareynta ku tiirsanaanta dhaqaalaha dalka ee xoolaha nool, kuwaas oo wax-soo-saarkooda ay si joogto ah u saameeyeen abaaraha soo noqnoqda iyo isbeddelka cimilada ee isa soo taraya. Isticmaalka habaysan ee khayraadka badda ayaa noqon kara isha labaad ee dhaqaalaha dalka, isla markaana qayb weyn ka qaata horumarka Somaliland.
Khayraadka kalluunka oo si dhab ah looga faa’iidaysto sidoo kale waxa uu kaalin muhiim ah ka qaadan karaa dhoofinta badeecadaha wax soo saarka khayraadka badda ee Somaliland iyo korodhka fursadaha shaqo. Iyadoo arrintaasi laga duulayo, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda, Mudane Sharmaarke Cabdi Muuse, oo ay wehelinayaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo masuuliyiin kale, ayaa si rasmi ah u qaabilay wefti maalgashadayaal ah oo ka socday dalka Shiinaha. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo balaadhin lahaa iskaashiga dhinaca kalluumaysiga, loona furi lahaa suuqyo caalami ah oo loo dhoofiyo khayraadka badda ee Somaliland.
Kulankaasi muhiimka ah waxa uu xambaarsanaa rejooyin cusub oo la xidhiidha kobcinta maalgashiga iyo dhoofinta kalluunka, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo lagu sii amba-qaadayo qorshaha qaranka ee horumarinta wax-soo-saarka badda. Iskaashiga noocan ahi waxa uu fure u noqon karaa horumar waara oo dalka ka hirgala, iyadoo la kordhinayo fursadaha shaqo, dakhliga dhoofka, iyo sugnaanta cunnada.
Sidoo kale, Wasiir Ku Xigeenku waxa uu si rasmi ah u furay kulanka Dib-u-eegista iyo Hormo-galinta Mudnaanta Wadaagayaasha Wax-soo-saarka ee NDPIII, taas oo muujinaysa doorka firfircoon ee Wasaaradda Kalluumaysigu ku leedahay qorsheynta istaraatiijiyadda qaranka. Kulankaasi wuxuu xoojinayaa wada-shaqaynta u dhaxaysa wasaaradaha, hay’adaha caalamiga ah iyo laamaha wax-soo-saarka sida xoolaha, beeraha iyo kalluumaysiga.
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka, waxay muujisay dedaal muuqda oo ku wajahan hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka Saddexaad (NDPIII). Iyada oo kulankaasi, uu ahaa mid lagaga dooday sidii loo xoojin lahaa doorka qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha dalka, gaar ahaan kalluumaysiga, xoolaha iyo beeraha.
Kulankaasi wuxuu si gaar ah u adkeeyey baahida loo qabo in la xaqiijiyo wada-shaqaynta iyo xog-wadaagga hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo kuwa caalamiga ah, si loo abuuro nidaam mideysan oo lagu horumariyo wax-soo-saarka. Waxa kale oo lagu falanqeeyey casharro muhiim ah oo laga bartay Qorshihii hore (NDPII), iyadoo la eegayo natiijooyinkii la gaadhay iyo sidii wax looga baran lahaa si loo dardargeliyo hirgelinta qorshaha cusub.
Qodobada laga soo saaray kulankan ayaa xambaarsan muhiimad weyn oo ku wajahan sugnaanta cuntada, yareynta saboolnimada, iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Haddii si dhab ah loo dhaqan-geliyo, waxa ay Somaliland u horseedi doonaan horumar waara iyo dhaqaale isbeddel keena.
Kulamadan oo kale waxay marag u yihiin sida ayb Somaliland uga go’an tahay in ay u dhaqaaqdo dhinaca horumarka oo ku salaysan wax-soo-saar, aqoon, iyo iskaashi ballaadhan. Waa tallaabo dhab ah oo u baahan in laga dhigo mid joogto ah, lagana dhaxlo natiijooyin la taaban karo.
Dhinaca kale, shir guddoonkii toddobaadlaha ahaa ee uu Wasiir Ku Xigeenku guddoomiyay ayaa dib u muujinaya sida Wasaaraddu uga go’an tahay hagaajinta iyo dar-dar-gelinta hawlaha shaqo ee ay wasaaraddu u hayso qaranka. Tani waa caddeyn kale oo muujinaysa hufnaanta, maamul wanaagga iyo horumarinta qorshayaasha wax ku oolka ah ee wasaaradda. Shirkan oo si joogto ah u qabsooma waxa uu qayb muhiim ah ka yahay kor u qaadidda hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo qorsheynta istaraatiijiga ah ee Wasaaradda.
Wasiir Ku Xigeenka, oo ay wehelinayeen Agaasimaha Guud Mudane Liibaan Mahamuud Diiriye iyo masuuliyiin kale oo heer waaxeed ah, ayaa si qoto dheer uga wada hadlay horumarinta hawlaha shaqo ee waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, gaar ahaan dhinacyada qorsheynta, fulinta, iyo la socodka barnaamijyada lagu horumarinayo kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Somaliland.
Shirkan waxa uu muujinayaa in Wasaaraddu ay si dhab ah uga shaqaynayso sidii loo heli lahaa hannaan mideysan oo wax ku ool ah, kaas oo lagu horumarinayo adeegyada ay bulshadu ka sugayso Wasaaradda, isla markaana si hufan loogu maamulayo kheyraadka badda oo ah mid ka mid ah tiirarka dhaqaalaha ee ay Somaliland sida weyn ugu tiirsan karto mustaqbalka dhow iyo midka fogba.
Tallaabooyinka noocan ah waxay dhisayaan kalsoonida shacabka, sidoo kale waxay kor u qaadayaan wax-soo-saarka gudaha, waxayna suurto-gelinayaan in Wasaaradda Kalluumaysiga ay noqoto hay’ad leh himilo, hufnaan, iyo hannaan shaqo oo la jaan qaadaya baahida casriga ah iyo suuqyada caalamka.
Ugu dambayn, dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Kalluumaysigu waa kuwo mudan bogaadin, waxaana looga baahan yahay dhammaan qaybaha kale ee dawladda iyo bulshada caalamka in ay garab istaagaan si si buuxda looga faa’iidaysto khayraadka kalluunka ee badda hodanka ah ee Somaliland. Waa fursad taariikhi ah oo aan la dayici karin.