Waxqabadka iyo Himilooyinka Shirka Labaad ee Cimilada Afrika (ACS2)

Monday October 13, 2025 - 10:44:13
hadhwanaagnews
Shirkan ayaa daba socday kii hore ee Nairobi, waxaana la isla garto



Qormadeena labaad ee barnaamijka Deegaan-jire ee Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku faaqidi doonaa qodobadii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay shirkii labaad ee Cimilada Afrika, kaasi oo dhawaan lagu soo gebo’gabeeyay magaalada Addis Abbaba.

 

Shirka Labaad ee Cimilada Afrika (ACS2), oo dhawaan lagu soo gebo’gabeeyay magaalada Addis Ababa, ayaa si cad u muujiyay in Afrika aanay ahayn dhibbane isbeddelka cimilada oo kaliya, balse ay tahay awood muhiim ah oo xal u ah caqabadaha cimilada iyo dhaqaalaha gobolka iyo mid caalami ah.

Shirkan ayaa daba socday kii hore ee Nairobi, waxaana la isla garto in laga gudbo hadal oo loo badelo ficil dhab ah. Waxaa shirka ka muuqday go’aan adag iyo rajo weyn, iyadoo Afrika la siiyay kaalinta hoggaamineed oo ah ka qeyb qaadashada dagaalka Isbadelka cimilada.

Qoramadan waxa aynu ku soo qaadanaynaa afar qodob oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan bayaanka ka soo baxay shirkii labaad ee Cimilada Afrika, kaasi oo qayb ka ahaayeen guud ahaan dalalka Afrika oo ay Somaliland qayb ka tahay.

Qodobadan waxa ka mid ah:

Xaqiijinta Isbeddel Tamareed oo Caddaalad ah

Bayaankii Addis Ababa ayaa Afrika ku tilmaamay xarun tamar nadiif ah oo caalami ah, taasi oo Qaaradda Afrika u dhawdahay inay gaadho yoolkeeda ah 300 gigawatt oo awood tamareed oo dib loo cusboonaysiin karo ah, sidoo kalena la ballaadhiyo korontada la gaadhsiiyo dadka aan weli helin adeeggan, gaar ahaan 623 milyan oo Afrikaan ah.

In Mudnaan La Siinayo La-qabsiga Isbeddelka Cimilada

Shirka Waxaa la isku raacay in la dedejiyo dadaallada la-qabsiga isbadelka Cimilada, iyada oo la hawlgelinayo Sanduuqa Khasaaraha iyo Waxyeellada (Loss and Damage Fund). La-qabsigu waa lama huraan maadaama Afrika ay si aad ah u saameeyaan saameynta isbeddelka cimilada, lagana hortagi karo saameynta taban.

 

Kordhinta Maalgelinta Cimilada

Shirka isbadelka Cimilada, Hoggaamiyayaashu waxay ballanqaadeen inay sannad walba ay abaabulaan $50 bilyan oo maalgelin ah oo lagu taageerayo xalalka cimilada. Waxaa la aas aasay Heshiiska Hal-abuurka Cimilada Afrika iyo Hay’adda Maalgelinta Cimilada Afrika si loo fududeeyo maalgelinta xalalka Afrikaan-ka-soo-baxaya. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in la caddeeyo qaabka maalgelinta si loo hubiyo in lacagta la gaadhsiiyo meelaha ugu saameynta badan.

 

Ka Faa’iidaysiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee Afrika

Shirka Waxaa la qorsheeyay in lagu yareeyo farqiga Qaaradda Afrika $191 bilyan ee maalgelinta dib-u-dhiska dhulka, lana isticmaalo kheyraadka dabiiciga ah sida kaarboonka iyo macdanta si loo kobciyo dhaqaalaha qaaradda. Qorshahan wuxuu Afrika siinayaa fursad weyn oo dhaqaale oo waara.

 

Gabagadii, inkasta oo horumar la taaban karo laga gaadhay dejinta qorshe cad oo Afrika ku hoggaaminaya doorka cimilada adduunka, haddana shaqo badan ayaa horyaala. Shirka COP30 ayaa noqon doona tallaabada xigta ee muhiimka ah ee lagu xaqiijinayo ballanqaadyada, iyadoo loo beddelayo erayada ficillo la taaban karo. Waxaan si dhow ula socon doonaa horumarka socda.

     
Loading...