Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo ka duulaysa tayaynta xog uruurinta caafimaad ee xarumaha bixiya adeegyada caafimaad ee qaranku leeyahay isla markaana bulshada loogu adeego,ayay 34 xarumo caafimaad oo ku kala yaalla afar gobo loo Somaliland ah gaadhsiisay shalay qalab caafimaad oo casri ah.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, iyo Madaxa Mashruuca Damal Caafimaad Dr.Maxamed Yuusuf Aw Cali (Culimo) iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee wasaaradda, ayaa shalay qalab caafimaad ku wareejiyey 34 xarumo caafimaad oo ku kala yaalla magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Burco, Oodweyne iyo Baligubadle. Oo kala ah xarumaha gobolada Maroodijeex,Awdal,Togdheer,Daad-madheedh iyo Hawd.
Qalabka, oo ay ka mid yihiin kombuyuutarro, birintarro (computers and printers) iyo agab kale oo casri ah, ayaa loogu talagalay in lagu kordhiyo tayada xog ururinta caafimaadka iyo in la tayeeyo xafiisyada kaydinta xogta caafimaadka ee xarumahaas.
Xarumahan shalayla guddoonsiiyey qalabka ayaa ah qaybtii labaad, iyadoo hore 29 xarumood oo kale loo guddoonsiiyey qalab noocan ah, taas oo tirada guud ee xarumaha qalabka la siiyey ka dhigaysa 63 xarumood oo caafimaad.
Sidoo kale, qalab ayaa la gudoonsiiyey xafiiska xogta caafimaadka ee gobolka Maroodijeex (HMIS Office). Barnaamijkan tayeynta xogta iyo horumarinta xarumaha caafimaadku wuxuu qayb ka yahay Mashruuca Damal Caafimaad, oo ay fulinayso Wasaaradda