Wasaaradda Shaqada oo soo gunaanaday wadatashi lagu daryeelayo xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah leh

Tuesday August 12, 2025 - 14:35:05
hadhwanaagnews
Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay hay'adaha ka shaqeeya arrimaha naafada,


 Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada, arrimaha bulshada iyo qoyska, Mudane Cabdishakuur Ismaaciil Xuseen, ayaa soo gabagabeeyay kulan toddobaad socday oo lagu falanqeeyay qabyo-qoraalka Xeerka Xuquuqda iyo Daryeelka dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay hay’adaha ka shaqeeya arrimaha naafada, ururrada bulshada rayidka ah, sharci-yaqaanno, iyo dad matalayay bulshada baahiyaha gaarka ah leh, kuwaas oo soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo wax-ku-ool ah.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in talooyinkii kasoo baxay kulanka lagu dari doono qabyo-qoraalka xeerka, si loo hubiyo in uu si dhab ah uga tarjumayo baahiyaha dadka naafada ah, ka hor inta aan loo gudbin Golaha wasiirrada si loo ansixiyo.
     
Loading...