Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Sanaag oo ka warbixiyey Shaqada Garsoorka

Tuesday September 09, 2025 - 12:00:49
hadhwanaagnews
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in ay jiraan isfahmo iyo wada shaqeyn ....
 

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Sanaag, Maxamed Axmed Cabdale, ayaa faah-faahin ka bixiyay habsami u socodka shaqada garsoorka ee gobolka, isaga oo tilmaamay in adeegyada cadaaladda si wanaagsan uga socdaan guud ahaan gobolka.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in garsoorka gobolka uu si hufan u shaqeynayo, lana tixgeliyo waqtiga, sharciga iyo cadaaladda ay dadku mudan yihiin.

Waxa uu xusay in kiisaska maxkamadda la horgeeyo ay u dhacaan si waafaqsan xeerarka dalka, isla markaana ay jiraan dadaallo joogto ah oo lagu horumarinayo nidaamka garsoorka.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in ay jiraan isfahmo iyo wada shaqeyn wanaagsan oo ka dhaxaysa hay’adaha garsoorka, booliska, xeer-ilaalinta iyo bulshada rayidka ah, taasoo fududeysay in si degdeg ah loo xalliyo muranada iyo dacwadaha kala duwan ee ka dhaca gobolka.

Gaba-gabadii Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in la xoojinayo tababarrada la siiyo garsoorayaasha, shaqaalaha maxkamadaha iyo laamaha kale ee cadaaladda, si loo hubiyo in adeegyada sharciyeed ee la bixinayaa ay noqdaan kuwa tayo leh oo waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka.
     
Loading...