Madaxweynaha JSL oo Soo Af- Jaray Khilaafkii u Dhexeeyay Garsoorka iyo Cadaaladda

Wednesday October 29, 2025 - 12:52:30
hadhwanaagnews
Waxyaabaha shirkaasi diiradda lagu saaray ayaa waxaa ugu muhiimsanaa



Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa sheegay in Madaxwaynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciiro), uu soo afjaray khilaaf muddooyinkii u dambeeyey ka taagnaa Shirwaynaha Caddaaladda, oo qaban-qaabadiisu ka socotay magaalada Hargeysa, islamarkaana ay isku maandhaafeen Bahda Garsoorka iyo Wasaaradda Caddaaladda Somaliland.

Shirjan uu Madaxwaynaha Somaliland la yeeshay madaxda golayaasha Qaranka kuwaas oo kala ahaa Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Siciid Mire Faarax (Giire), Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed, iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa lagaga hadlay arrimo badan oo khuseeya xaaladda guud ee dalka.

Waxyaabaha shirkaasi diiradda lagu saaray ayaa waxaa ugu muhiimsanaa khilaafkii muddooyinkii u dambeeyey ka dhex jiray Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka, kaas oo saameyn ku yeeshay qaban-qaabada Shirwaynaha Caddaaladda. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadam Xaaji Cali, ayaa sheegay in Madaxwaynuhu go’aamiyey in la qabto laba shir oo kala madaxbannaan si loo kala saaro mas’uuliyadda labada hay’adood.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa shalay ka warbixiyay shirkan oo qabsoomay 27-kii bishan, waxaanu yidhi "Kulankaas waxa lagagaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan Qaranka, arrimaha ugu muhiimsanaa shirkaasi waxa kamid ah shirarka baryahanba socday ee cadaaladda iyo garsoorka oo madaxweynaha laga siiyay talo iyo tusaalaba.”

"Soo jeedimo badan iyo gorfeyn kadib, waxa la isla qaatay in la qabto laba shir oo kala ah, shirka Caddaaladda oo uu Wasiirka Wasaaradda Caddaaladdu hoggaaminayo maadaama oo ay tahay shaqadiisa, iyo shirka Garsoorka oo guddoomiyaha Maxkamadda Sare hoggaaminayo maadaama oo labada waaxood ay kala madaxbannaan yihiin, isla markaana ay hay’adaha Garsoorku u madax-bannaan yihiin shaqadooda,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, waxaanu intaasi raaciyay "Shirka Garsoorka, qaban-qaabadiisa waxa hoggaamin doona Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, halka shirkii Caddaaladdana uu Wasiirka Caddaaladdu hoggaamin doono iyo cidii hoos timaadda”.

Guddoomiyuhu waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahadceliyay qabashada shirkaas, isagoo tilmaamay in uu si hufan oo habsami leh u daadihiyay, iska narkaana uu Madaxweynuhu kasoo saaray go’aamo dhaxal-gal ah oo waafaqsan Dastuurka, danta dalka iyo qaranimada JSL, waxaanu yidhi "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaan uga mahadcelinayaa in uu shirkaasi qabtay, si hufan oo habsami lehna u daadihiyey, talooyinkii kala duwanaa ee la soo jeediyayna uu si taxadar leh u dhagaystay. Waxaan Madaxweynuhu shirkaas waxa uu kasoo saaray go’aan dhaxal-gal ah oo waafaqsan Dastuurka, danta dalka iyo qaranimada, si looga baxo buuqa iyo isfahanka la’aanta baryahan dambe ka dhex jirtay Garsoorka iyo Caddaaladda. Arrintaasi waxay si rasmi ah ugu soo afjarantay kulankii 27-ka bisha ee Madaxtooyada, waxaana si degdeg ah loo geli doonaa qaban-qaabada shirkii Garsoorka.”

     
Loading...