hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uga mahadceliyey taageeradii iyo doorkii uu ka qaatay qabsoomidda Shirka Qurba-joogta Somaliland.
Wasiirku waxa uu sheegay in qabsoomidda shirku ay ka dhalatay dadaalka iyo garab istaagga Madaxweynaha, isaga oo xusay in kulankani uu muhiim u yahay xoojinta xidhiidhka dowladda iyo qurba-joogta Somaliland.
Waxa uu sidoo kale ugu baaqay qurba-joogta inay sii laba jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan kor u qaadista qaddiyadda Somaliland iyo gaadhsiinta cod mideysan oo ku saabsan danaha qaranka fagaarayaasha caalamiga ah.
Waxa uu yidhi:
"Waxaan u mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo awood geliyay in shirkani qabsoomo. Qurba-joogtu ha sii xoojiso dadaalkii aynu sannad iyo badh ka hor ku bilawnay sidii aynu cod mideysan ugu gaadhsiin lahayn qaddiyadda Somaliland dunida inteeda kale.”
Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa carrabka ku adkeeyey in iskaashiga u dhexeeya xukuumadda iyo qurba-joogta uu yahay tiir muhiim u ah xoojinta diblomaasiyadda Somaliland, horumarinta xidhiidhada caalamiga ah iyo gaadhsiinta danaha qaranka ee heer gobol iyo heer caalamiba.
Waxa uu ugu dambayn ku dhiirrigeliyey qurba-joogta inay sii wadaan kaalinta ay ku leeyihiin aqoonsi-raadinta, maalgashiga, horumarinta dalka iyo difaaca qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.