hadhwanaagnews
Nairobi – Marwada Madaxweynaha Somaliland, Marwo Farduus Maxamed Rooble, ayaa haweenka Somaliland ku dhiirrigelisay inay u diyaar garoobaan ka qaybgalka siyaasadda, gaar ahaan Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka.
Marwadu waxay haweenka xildhibaanada ka ah Kenya ka codsatay inay hormuud ka noqdaan dhiirrigelinta iyo taageerada haweenka Somaliland, si ay door muuqda uga qaataan hoggaanka iyo go’aan-qaadashada dalka.
Waxay sheegtay in haweenku aad ugu yar yihiin goleyaasha siyaasadeed ee Somaliland, iyadoo xustay in hal gabadh oo keliya ay ku jirto Golaha Wakiillada, halka Golayaasha Deegaanka aanay haweenku wax xubno ah ku lahayn.
Hadalkan ayay Marwo Farduus ka sheegtay munaasabad marti-soor iyo maamuus ah oo loogu sameeyey magaalada Nairobi, iyadoo uga mahadcelisay dhammaan intii ka qaybqaadatay qabanqaabada munaasabadda.
Waxayna tidhi:
"Aad baan ugu faraxsanahay intaas oo hablood oo xildhibaano ah. Golaha Wakiillada JSL, hal gabadh ayaa ku jirta, Golaha Deegaankana gabadhi kuma jirto. Waxaan doonaynaa inaad dalka timaaddaan, hormuud noo noqotaan, una tustaan hablaha reer Somaliland inay meel kasta geli karaan.”
Marwada Madaxweynaha ayaa sidoo kale haweenka Somaliland ugu baaqday inay fadhi ka kacaan, kartidooda muujiyaan, una tartamaan xilalka siyaasadeed, si ay qayb muuqata uga noqdaan hoggaanka iyo go’aan-qaadashada dalka.