Guul Taariikhiya oo Gobolkii Sanaag laga Gaadhay iyo Gogoshii Madaxweynahu Dhigay.

Thursday October 30, 2025 - 15:21:14
hadhwanaagnews
Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga:


Mahad iyo ammaan waxa iska leh madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro kaasoo inoo suurtogeliyey in gobolkii Sanaag uu ka hirgalo heshiis nabadeed oo taariikhi ah,
kaas oo albaab cusub u furay is-afgarad, midnimo iyo wada noolaansho dhexmarta walaalaha Somaliland ee ku wada nool Jamhuuriyadda Somaliland.


Nabadda Ceerigaabo ka curatay ma aha mid caadi ah, balse waa mid xambaarsan fariin qaranimo, isu soo dhowaansho iyo mustaqbal wadajir ah. Go’aankaas geesinimoda leh ee madaxweyne Cabdiraxmaan (Cirro) uu ku goglay wadahadalka iyo nabadda Sanaag, iyo sida uu ugu soo dhaweeyey walaalihiisa dhinaca kale, waa tallaabo la mahadiyey.

Dhanka kale, Reer Sanaag ayaa iyaguna muujiyey mas’uuliyad qaran iyo damiir dhul-wadaag, iyaga oo garwaaqsaday in aan nabaddu lahayn xuduud, balse ay tahay hanti guud oo ummadani wada leedahay.

*Dadaallada iyo Doorka Hogaamiyeyaasha Dhaqanka:

Heshiiskan nabadeed waxaa laf-dhabar u ahaa Sadaadiinta iyo Garaadada iyo odayaasha dhaqanka, gaar ahaan Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo kale ee bariga Sanaag, kuwaas oo geesinimo iyo garasho fog ku dhiiraday inay doortaan wadada nabadda halkii ay colaado soo noqnoqda ku sii jiri lahaayeen.

Waxa kale oo mudan in la bogaadiyo shacabka gobolada bariga iyo galbeedka Sanaag, kuwaas oo muujiyey biseyl iyo rabitaan dhab ah oo ay nabadda u qabaan.

*Faa’iidooyinka Nabadda Sanaag:

Nabadda Ceerigaabo waxay dhashay rajo cusub oo aan xadidnayn, waana guul aan ka koobnayn keliya Sanaag, balse ah mid ka faa’iidaynaysa shacabka deriska wada ah ee wada nool iyo guud ahaan Geeska Afrika.

1- Amniga iyo La Dagaalanka Argagixisada:
Sanaag waa marin istiraatiiji ah oo ay muhiim tahay in laga sugo amniga. Iskaashiga ee ka dhanka ah argagixisada Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Calmadow waa tallaabo lagu difaacayo amniga guud ee gobolka iyo Somaliland inteeda kale.

2- Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga:
Nabaddu waxay furaysaa waddooyin ganacsi oo muhiim ah.

Wadooyinka laga wado Gobolka Sanaag waxay kobcin doontaa isku socodka dadka iyo badeecadaha, waxayna noqon doontaa halbowlaha horumarka dhaqaale ee bariga dalka.

3-
Ciidamo Badeed Wadajir ah:
Ilaalinta xeebaha u dhexeeya Laasqoray iyo Maydh waxay muhiim u tahay ka hortaga tahriibka, ka ganacsiga hubka sharci darada ah, iyo kaluumeysiga aan sharciga ahayn. Waxaa loo baahan yahay ciidamo badeed oo dhinac Qudha ka soo wada shaqeeya ilaalinta badaha Somaliland.

4-
Aag De-militarized ah (DMZ):
Qorshaha ah in dhulka Sanaag laga dhigo aag aan ciidan hubeysan laga ogolayn waa fikrad xambaarsan xikmad iyo qorshe siyaasadeed oo fog. Keliya booliska rayidka ah ayaa sugi kara amniga magaalooyinka iyo tuulooyinka, taas oo meesha ka saaraysa khatarta dagaal iyo ismaandhaaf.

*Xikmadda Nabadda iyo Himilada Cusub :

Nabadda Sanaag waa cashar qaran oo tusaale u noqon kara geeska oo dhan ,
waa xasuus u sheegaysa in colaaddu aanay xal keenin, balse wadahadalku uu yahay furaha horumarka.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu qaaday waddo siyaasadeed oo lagu majeerto, isagoo muujiyey hogaan bisil iyo damiir qaran.
Isla markaana, baaqiisa nabadeed ee uu u diray walaalaha reer Khaatumo waa fariin kale oo ku boorinaysa midnimo, xasilooni iyo in xal waara laga gaadjo dhammaan gobolada Bariga.

*Gunaanad:

Guusha laga gaadhay Ceerigaabo waa mid taariikhi ah oo u baahan in la xoojiyo, la dardargeliyo,
lana dhowro. Waa gogol nabadeed oo ka dhalatay daacadnimo iyo rabitaan shacabka Sanaag, waana bilow cusub oo lagu dhisayo kalsooni iyo wada jir dhab ah.

Waxaa la joogaa xilligii laga gudbi lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee gaaban, lana horumarin lahaa iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo bulshada. Sanaag maanta waxay martay wadadii ay ku heshiiyeen dad walaalo ah , wadada nabadda, horumarka iyo midnimada ummadda Somaliland

"Nabaddu waa geed la waraabiyo, haddii aan la daryeelin waa engegaa, balse marka la xanaaneeyo, hadh iyo midho ayey dhashaa.”


Qalinkii:
Cali Biixi
[email protected]
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...