Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah u shaacisay dhaqan-gelinta Siyaasadda Dal-ku-galka Furan (Visa on Arrival), taas oo u oggolaanaysa muwaadiniinta caalamka inay dal-ku-galka ku qaataan Madaarka Cigaal ee Hargeysa iyo madaarrada kale ee dalka marka ay yimaadaan.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Wasaaradda Duulista, Mudane Fuad Axmed Nuur, ayaa lagu caddeeyay in siyaasaddan ay qeyb ka tahay dadaallada xukuumaddu ugu jirto kor u qaadista isku socodka, fududeynta socdaalka, arrimaha Bina’aadamnimada iyo dhiirrigelinta kobcinta dhaqaalaha dalka, waxaana lagu yidhi warsaxaafadeedkan "Siyaasaddan waxay Xukuumaddu uga dan leedahay fududaynta Safarrada ganacsiga, dalxiiska, arrimaha Bina’aadamnimada iyo kobcinta dhaqaalaha.”
Sidoo kale, war-saxaafadeedka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu caddeeyay in aan dalka Somaliland lagu soo geli karin fiise ama Oggolaansho Dal-ku-gal oo ka soo baxay meel ka baxsan Hay’addaha Socdaalka ee JSL. Tani waxay xoojinaysaa nidaamka socdaalka ee qaranka, iyadoo meesha ka saaraysa suurtagalnimada dukumenti been abuur ah ama aan sharci ahayn.
Wasaaraddu waxay amartay dhammaan shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya Somaliland inay: Si rasmi ah ula wadaagaan siyaasaddan dhammaan xafiisyadooda (stations) iyo sidoo kale macaamiishooda iyo rakaabka safraya, si looga fogaado khaladaad iyo is-faham la’aan, "Dhammaan Shirkaddaha Diyaaradaha ee ka hawl-gala Somaliland waxa la faray inay siyaasaddan la wadaagaan dhamaan xafiisyadooda (Stations) iyo Rakaabka soo raacaya,” ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhaqan-gelinta siyaasaddan waxay qeyb ka tahay dadaalka Somaliland ay ugu jirto in ay noqoto meel furan, soo jiidasho leh oo ganacsato, dalxiisayaal iyo hay’ado caalami ah ay si fudud u iman karaan, taas oo la rajeynayo in ay si weyn u taageerto kobaca dhaqaalaha iyo xidhiidhka caalamiga ah.