Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo Hogaaminaysa Dedaalada lagu Xoojinayo Amniga Badda JSL

Monday October 13, 2025 - 10:33:18
hadhwanaagnews
Dedaallada joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga



Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale si cad u muujisay ka go’naanta xukuumadda ee ilaalinta, horumarinta, iyo sugidda ammaanka badda, taas oo laf-dhabar u ah horumarka dhaqaalaha, xasilloonida siyaasadeed, iyo xaqiijinta madax-bannaanida qaranka.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay leedahay xeeb istaraatiji ah oo muhiimad weyn u leh ganacsiga iyo isu-socodka caalamka, iyadoo sidoo kalena ah mid ka mid ah xeebaha ugu dhaadheer Geeska Afrika isla markaana caalamka u leh muhiimad juquraafiyeed oo aan la dhayeelsan karin, balse waxa ay sidoo kale u baahan tahay maamul sugan iyo hannaan amni oo xoogaan. Iyadoo taas la ogsoon yahay, xukuumadda Somaliland waxa ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu kobcinayo nidaamka amniga badda, ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah, iyo dhisidda iskaashi heer qaran iyo mid caalami ah oo ku saleysan danta guud ee qaranka.

Dedaallada joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaa ka mid ah shirka Amniga Badda, [Quarterly Meeting of the Somaliland Maritime Security Working Group), kaas oo saddexdii-bilood ba ay si joogta ah hal mar u qabato Wasaaradda Arrimaha Dibedda, isla markaana lagu gorfeeyo xaaladda amniga badda ee JSL. Shirkaas oo uu shalay si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan, waxa uu isu keenay dhammaan daneeyeyaasha arrimaha badda oo ay ku jiraan wasaarado iyo hay’ado dawladeed, ururo maxalli ah, iyo daneeyayaal caalami ah oo ay ugu horreyso hay’adda EUCAP.

Shirka Saddex-Biloodlaha ah ee Amniga Badda

Dedaalladaas waxaa kamid ah shirka saddex-biloodlaha ah ee Amniga Badda [Quarterly Meeting of the Somaliland Maritime Security Working Group], kaas oo ay si joogto ah u qabato Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Shirkaas oo uu si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa isu keenay dhammaan daneeyeyaasha amniga badda kuwaas oo isugu jira wasaarado iyo hay’ado dawladeed, ururo maxalli ah, iyo daneeyayaal caalami ah oo ay ugu horreyso hay’adda EUCAP.

Shirkan ayaa noqday madal muhiim ah oo lagu falanqeeyo xaaladda amniga badda ee JSL, laguna dhiso istaraatijiyado wax ku ool ah oo lagula tacaalo caqabadaha jira. Waxa uu sidoo kale ka tarjumayaa sida ay Somaliland u garowsatay muhiimadda wada-shaqaynta iyo qorsheynta joogtada ah ee arrimaha badda, gaar ahaan xilligan oo ay baddu noqotay isha ugu weyn ee wadamada caalamku ay ka helaan fursadaha dhaqaale iyo amni.

Maamul Hufan iyo Isku-duwid Qaran

Qabashada shirka noocan oo kale ah waxa ay calaamad u yahay hannaanka dimoqraadiyeed ee ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku wajahayso maamulka, maaraynta iyo iskaashiga badda. Waxa kale oo ay muujinaysaa sida ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ay mudnaanta u siinayso dhisidda qorshayaal horumarineed oo istaraatiiji ah iyo isku-duwid rasmi ah oo u dhaxaysa hay’adaha kala duwan ee dawladda iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah. Ujeeddadu waa in amniga badda laga dhigo mid waara, laguna dhiso saldhig adag oo lagu horumarin karo dhaqaalaha badda, lagu xoojiyo sharciyada la xidiidha kalluumaysiga iyo ilaalinta deegaanka badda, isla markaana lagu adkeeyo madax-bannaanida biyaha Somaliland.

Bogaadin iyo Garwaaqsi

Falanqaynta wargeyska Dawan waxay si qoto dheer u bogaadinaysaa dadaalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland oo si xeel dheer isu waafajisay himilada qaranka iyo baahida amniga badda, isla markaana isu keentay dhammaan daneeyayaasha muhiimka ah si loo helo hal jihayn oo mideysan.

Shirarka noocan oo kale ah waxa ay door muuqda ka ciyaaraan mideynta qorshayaasha horumarineed ee hay’adaha qaranka ee la xidhiidha sugidda amniga badda. Waxay noqonayaan madal is-dhexgal iyo wadatashi, kuwaas oo dhaliya natiijooyin la taaban karo oo ku jihaysan horumar waara. Shirarkani waxay si gaar ah u horseedaan:

  1. Dhisidda istaraatijiyado wax-ku-ool ah oo si dhab ah uga jawaabaya caqabadaha jira, loogana faa’iideysto fursadaha amni iyo dhaqaale ee badda.
  2. Xog-is-weydaarsi dhab ah oo dhex mara hay’adaha qaranka Somaliland, daneeyeyaasha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, taas oo kor u qaadaysa heerka wada-shaqaynta, fahamka siyaasadaha amniga badda, isu-dheelitiran, iyo isku-xidhnaanta qorshayaasha amniga badda.
  3. Go’aammo lagu saleeyey wada-tashi, xog iyo waayo-aragnimo, kuwaas oo si toos ah u saameeya siyaasadaha iyo tallaabooyinka la xidhiidha xoojinta iyo sugidda ammaanka badda.
  4. Hirgelinta hannaan daah-furan oo ku dhisan Kalsooni iyo faham mideysan, oo u dhexeeya dhammaan daneeyeyaasha, taasoo muhiim u ah abuurista hannaan wadajir ah oo ku wajahan ilaalinta madax-bannaanida iyo horumarinta kheyraadka badda Somaliland.

Gunaanad

Jamhuuriyadda Somaliland waxay kasbatay bogaadin iyo garwaaqsi sii kordhaya oo ku aaddan sida hufan ee ay u maareyneyso arrimaha badda, gaar ahaan dhanka amniga, maamulka, iyo ilaalinta madax-bannaanidda biyaha Qaranka Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxa ay hormuud u tahay jihada saxda ah ee xukuumaddu u martay maaraynta arrimaha amniga badda. Waxaana lagama maarmaan ah in dhammaan hay’adaha kale ee qaranka ay la jaanqaadaan dadaalladaas, si loo xaqiijiyo bad ammaan ah, bulsho bad-qabta, iyo dhaqaale kobcaya oo ku dhisan kheyraadka badda.

Shirarka noocan oo kale ah waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan isku-duwidda, mideynta, iyo hagidda juhdiyada hay’adaha iyo daneeyayaasha kala duwan. Waxaana laga dhxlaa: Dhisidda istaraatijiyado waara oo wax ku ool ah; xog-is-weydaarsi qotodheer oo salka ku haya fahamka qorshayaasha horumarinta amniga badda iyo Go’aammo la taaban karo oo horseeda horumar muuqda.

     
Loading...