Gogosha Nabadda Ceerigaabo oo Tusaale u Noqotay Hal-beegga Nabad Dhiska Somaliland

Saturday October 11, 2025 - 13:11:13
hadhwanaagnews
Shalay oo Jimce ahayd, Guddidu waxay bulshada Ceerigaabo kala hadleen Masjid Jaamaca ..



Guddida Qabanqaabada Gogosha Nabadda ee magaalada Ceerigaabo ayaa qaaday tallaabo qiimo leh oo ka tarjumaysa dadaalka joogtada ah ee ay xukuumadda Somaliland ku xoojinayo nabadda, wadajirka, iyo is-aaminada bulshada gobolka Sanaag. Dhacdadan, oo ahayd mid si gaar ah u taabanaysa xalinta dhibaatada ka dhalata khilaafaadka bulshada, waxay iftiimisay fahamka qotada dheer ee ku aaddan doorka ay nabaddu ku leedahay jiritaanka iyo kobaca bulsho kasta.

Shalay oo Jimce ahayd, Guddidu waxay bulshada Ceerigaabo kala hadleen Masjid Jaamaca weyn ee magaalada, halkaas oo ay ka jeediyeen farriin culus oo lagu dhiirrigelinayo midnimada, wada-tashiga iyo iskaashiga bulshada. Qodobka ugu weyn ee kulanka laga dheehan karayo ayaa fahamka qotoda dheer ee xukuumadda ee la xidhiidha xoojinta nabadda, midnimada iyo wadajirka bulshada gobolka.

Waxaa halkaas ka hadlay xoghayaha Guddida Nabadda QarankaMaxamed Nuur Carraale (Duur) iyo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda SomalilandJamaal Jaamac Xaamuud, ayaa hadallo dhiirrigelin iyo dardaaran ah u jeediyay bulshadii kulankaasi ka qayb-galay, iyaga oo si qoto dheer uga warramay doorka lama huraanka ah eenabaddu ku leedahay horumarka bulshada. Waxay ku adkayeen in nabaddu aanay ahayn oo keliya xaalad xasilooni ah oo laga helo deegaanka, balse ay tahayhormoodka horumar kasta– laga bilaabo waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, ilaa maalgashiga iyo horumarka bulshada.

Labada masuul waxay si cad u muujiyeen in horumarka la higsanayaa aanu suurto gal noqon karin haddii aan la sugin nabadda gudaha. Nabaddu waa saldhigga kalsoonida, wadajirka, iyo dhismaha bulsho isku duuban. Waa tiirka lagu dhiso dowladnimo sugan iyo dhaqaale horumarsan.

Arrintan ayaa ah baaq qaran oo bulshada ku baraarujinaya qiimaha ay leedahay wada-noolaanshaha, nabadda iyo kalsoonida dhexdooda ah. Waxa kale oo kulanka lagu muujiyay in nabaddu tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhisayo bulsho horumarsan, nidaam waxbarasho, adeeg caafimaad iyo koboc dhaqaale.

Ceerigaabo oo ah magaalo leh miisaan taariikhi ah iyo muhiimad istiraatiiji ah, waxay markale tusaale u noqotay sida bulshada gobolka Sanaag ay ugu heelan yihiin ilaalinta iyo xoojinta nabadda. Kulamadan noocan ah waxay dhaxal u yeelan karaan jiilasha dambe, haddii la joogteeyo, lana ballaadhiyo.

Gunaanad:

Nabaddu waa hanti qaran, waa halbeeg nololeed, waana tiirka ugu horreeya ee lagu dhiso horumar waara. Guddida Qabanqaabada Gogosha Nabadda ee Ceerigaabo waxay qaaday tallaabo tusaale u noqon karta dhammaan gobollada kale ee Somaliland. Waa in dadaalladan laga dhigo kuwo joogto ah, bulshaduna ay si buuxda uga qayb qaadato, si Somaliland u yeelato mustaqbal nabadeed oo barwaaqo leh.

     
Loading...