Guddida Qabanqaabada Gogosha Nabadda Gobolka Sanaag oo muddooyinkii u dambeeyay howlo nabadeed u joogay magaalada Ceerigaabo, ayaa ka hadlay xaaladda guud ee amniga iyo nabadgelyada magaalada iyo waxyaabihii ugu qabsoomay gogol-xaadhka gogosha Madaxweynaha Somaliland dhigayiyaga. Iyaga oo sidoo kalena faahfaahin ka bixiyay talaabooyinka ay qaadeen kadib dilkii dhowaan halkaas ka dhacay.
Guddidu waxay sheegtay in ay la kulmeen ehelada marxuum Xamse oo todobaadkan lagu dilay magaalada Ceerigaabo, isla markaana ay isla qaateen in maydka la aaso si loo ilaaliyo xasiloonida iyo nabadda guud ee magaalada. Guddidu waxay si weyn u ammaaneen doorka ehelada marxuumka iyo sida ay uga shaqeeyeen in nabad iyo wada-hadal lagu dhammeeyo arrintaas.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somalialnd Cismaan Ibraahin Nuur Afgaab, oo ah guddoomiyaha guddida qaban-qaabada gogosha nabadda ayaa sheegay in ay la kulmeen ehelada marxuumkii lagu dilay magaalada Ceerigaabo, isla markaana wakhti badan ay galiyeen qancinta ehelada marxuumka si loo helo xal nabadeed, isla markaana ay isla qaateen in la aaso maydka, Waxa uu yidhi: "Waxa aan ka tacsidaynaynaa ehelkii geerida Marxuum Xamse ay ku timid. Wakhti badan ayaanu gelinay in aanu qancino reerkii marxuumku ka dhintay, balse si fiican ayaanu isku afgaranay. Waxaanu isla, garanay in maydka la aaso, insha allaah waana la aasayaa. Nabad ayaannu wadnaa oo ma doonayno in mushkilada dhacday ay wax ku sii kordhaan. Si fiican ayaanu isku soo afgaranay Marxuumka Aabihii, anaga oo isla qaatdanay in Marxuumka la aaso wixii hawl ah ee kalena la qabto Marxuumkaasina uu gacanta dawlada ku baxay”.
Wasiiru-fawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), ayaa isaguna sheegay in xaaladda Ceerigaabo ay degan tahay, islamarkaana aanay jirin wax rabshado ah oo ka dhashay dilkaasi. Waxa uu yidhi: "Geerida Xamse waxay ahayd mid naxdin leh, ILLAAHAY ha u naxariisto Marxuumka, iyada oo hawshaasi dhacday xilli hawlaha nabadayntu meel fiican marayeen. Reerka marxuumka aad bay isu xakameeyeen, waxaan u mahadnaqaynaa ehelada Marxuumka iyo dhammaan dadka reer Ceerigaabo sida ay nabadda u ilaaliyeen.”
Xoghayaha Guddida Nabadda Qaranka Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa isaguna ka hadlay muhiimadda wadahadalka iyo xasilloonida, isaga oo u mahadnaqay dadka Ceerigaabo sida ay ula shaqeeyeen guddida. Waxaanu yidhi "Aad ayaanu uga xunahay dhacdadii ka dhacday magaalada Ceerigaabo. Ilaahay samir iyo iimaan haka siiyo ehelkii marxuumka. Marka wax dhacaan caadifaddu way jirtaa, laakiin dadka Ceerigaabo si masuuliyad leh ayay uga fal celiyeen. Aad iyo aad baan ugu mahadnaqaynaa.”
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ugu baaqay in ay ilaaliyaan nabadda, midnimada iyo wadajirka. Waxaanu yidhi "Xaaladda guud ee Gobolka Sanaag iyo magaalada Ceerigaabo waa nabad. Arrimaha nabadgelyadu si fiican ayay u socdaan. Waxaan bulshada ugu baaqayaa in ay sii xoojiyaan wadajirka iyo iskaashiga dhexdooda.”