COLAADAHA HURAYA IYO HALISTA AMNIGA MANDAQADA GEESKA AFRICA

Thursday December 11, 2025 - 19:00:34
hadhwanaagnews
Dagaallada iman kara ee u dhexeeya dawladaha danaha isku haya sida Ethiopia


HALISTA AMNI EE DAGAAL KA DHACA GALBEEDKA SOMALILAND KU YEELAN KARO DEGANAANSHAHA & NABADGALYADA GEESKA AFRICA.

W/Q: Mohamed Abdi Jama (Mohamed Dhimbiil)
Falanqeeye Siyaasadeed Gobolka Geeska Afrika.

Geeska Afrika waa mandaqad muddo dheer ku jirtay xaalado siyaasadeed iyo amni oo isbeddel badan leh. Xilligan, waxaa isa soo taraya cabsi ah in colaado is-biirsaday kuwa cusub iyo kuwa horeba u jiray ay dib u ruxaan xasilloonida gobolka.

Dagaallada iman kara ee u dhexeeya dawladaha danaha isku haya sida Ethiopia iyo Egypt, Ethiopia iyo Eritrea, Somaliland iyo Somalia, iyo sidoo kale xiisadda Djibouti iyo Eritrea, waxa barbar socda rabshado kale oo gudaha wadamada qaar ka aloosan.

Oo Dalalka Gobolka Geeska Afrika gudahooga waxaa ka jira colaado huraya oo qoomiyado , qabaailo iyo siyaasad ba isugu jira loogu jiro hogaaminta dalalkaasi , hadda waxa la sheegayaa in lagu jiro wakhtigii ugu halis badnaa xaga baqdinka amniga guud ee mandaqada Geeska Africa in lagu jiro.

Dhammaan colaadahaasi wuxuu salka ku hayaa muranno dhuleed, is-aamin la’aan qoomiyadeed, awood qaybsiga, iyo khilaaf ka dhashay iskaashi siyaasadeed oo burburay ama hirdan siyaasadeed oo loogu jiro hogaaminta.

Soomaalida Ethiopia oo hore u qabay cabsi ay ka muujinayeen dhul‑ballaadhsi iyo isku-dawladeyn ka imaan karta deriska Oromada ayaa maanta wajahaya dareen cabsi dhul balaadhsi ah oo sii kordhaya.

Jamhuuriyadda Somaliland: xaalado cusub oo diyaar garaw colaadeed ah ayaa ka bilaabmay gobolada Galbeedka Somaliland.

Somaliland oo 35 sano ku taagnayd xasillooni siyaasadeed iyo amni oo heer gobol ah ayaa hadda wajahaysa khatar cusub oo dagaalo qabiil kuwaas oo ka bilaabmaya Gobolada Galbeedka, gaar ahaan degmada Zeila.

Beelaha Ciise iyo Gadabuursi oo wada dega Somaliland, Djibouti iyo Ethiopia, ayaa markan isku haya arrimo la xidhiidha:

Sheegashada dhulka taariikheedka iyo deegaanka zaylac , ka dib markii uu soo baxay sheegasho dhul oo ku xardhan buuga xeer ciise ee beelweynta ciise ku ururisay xeer dhaqameedkooga , sida la xusayona magacyo iyo qariirado ayaa ku jira.

Ahmiyadda istaraatiijiga ah ee Zaylac oo ah halka ugu dhow Ethiopia xaga badda ayaa la qabaa inay jiraan dareeno iyo dagaal dawlado dabada ka riixayaan in lagu soo qaadey Jamhuuriyada Somaliland si Ethiopia fursad ugu hesho ay badda ku gaadho.

Arinkaasi ayaa ku soo hagaagay xili ciidamada Egypt saldhig ciidan ka doonayaan Erateria , Djibouti iyo Somaliland , waa halis kale oo amniga Gobolka Geeska Afrika ku noqon karta khatar loo soo waariday .

SAADAASHA DAGAAL KA QARXA GALBEEDKA SOMALILAND IYO HALISTA AMNI EE MANDAQADA GEESKA UU KU YEELAN KARO.

Haddii dagaal ka qarxo Galbeedka Somaliland, dagaalku ma noqonayo mid xad ku kooban; waxa uu leeyahay saddex khatarood oo waaweyn :

1. Ethiopia oo u dhaqaaqda Xeebaha Zaylac iyo Somaliland iyo dadkeega oo dagaal ka xiga.

Iyadoo Ethiopia muddo dheer raadinaysay marin badeed rasmi ah, dagaal ka dhaca Zaylac wuxuu siin karaa marmarsiiyo ay ciidamo ugu soo geli karto gobolka, taas oo si weyn u beddeli karta juqraafiyadda siyaasadeed ee Geeska Afrika.

2. Djibouti iyo Ethiopia oo Khatar Gala

Beelaha Ciise iyo Gadabuursi ee dagaalada ku baaqay waxay wada degaan sadexda dalba.

Haddii colaadu kacdo:

Djibouti waxay geli kartaa xaalad amni-darro oo gudaha u gasha

Itoobiya waxay la kulmi kartaa kacdoon qoomiyadeed oo hor leh

Xuduudaha saddexda dalna waxay noqon doonaan kuwo u furan colaado iyo dagaalo oo aan la sugi karin.

3. Xasilloonida Gobolka oo si toos ah u dhaawacanta.

Dagaal Galbeedka Somaliland ka qarxa wuxuu sabab u noqon karaa:

In dagaalku ka gudbo xuduudaha Somaliland ee wadamada deriska ah.

In kooxo danaha gaarka ahi farageliyaan oo ka faaiideystaan amni daro hadii ay halkaa ka dhacdo.

In burbur dhaqaale iyo amni oo baahsani soo gaadho Djibouti, Somaliland iyo Ethiopia.

MAXAA LA GUDBOON DAWLADAHA ; SOMALILAND, ETHIOPIA & DJIBOUTI ?.

Marka loo eego xasaasiyadda xaaladani leedahay, waxaa lama huraan ah:

1. Iskaashi degdeg ah oo saddex-geesood ah;

Somaliland, Djibouti iyo Ethiopia waa inay sameeyaan:

Guddi amni oo wadajir ah

Wada hadal degdeg ah oo lagu xallinayo muranka beelaha

La socod joogto ah oo lagu xakameeyo dhaqdhaqaaqyada hubaysan

2. In laga hor tago faragelin dibadeed.

Dalka waa in laga ilaaliyo cid kasta oo dan gaar ah ka leh in colaado ka dhacaan Zaylac iyo Galbeedka Somaliland.

3. In la adkeeyo nidaamka isku-xidhka xukuumadda iyo maamulka deegaanka sida dhaqanka , aqoonyahanka , dhalinyarada iyo waxgaradka kaleba.

Ugu dambayn

Colaadaha ka bilaabmaya Galbeedka Somaliland ma aha oo kaliya khatar ku wajahan Somaliland; waa dhibaato dhaqaajin karta silsilad dagaalo qoomiyadeed oo saameeya Somaliland, Djibouti, Ethiopia iyo gobolka oo dhan.

Waxay noqon kartaa xaalad keenta:

Faragelin ajnabi

Is-bedel xeel-dhuleed

Burbur amni oo meelfog gaadha.

Somaliland oo muddo dheer ahayd meel lagu ammaano xasilloonideeda ayaa hadda wajahaysa dagaal culus oo ka dhan ah aqoonsigeeda, horumarkeeda, iyo amnigeeda mandaqadeed. Waxaa muuqata in mar kasta oo caalamku u soo jeesto Somaliland, ay jiraan xoogag isku dayaya in la abuuro xaalado carqaladeyn ah.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
Mohamed Dhimbiil <[email protected]>

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...