Fahamka Iyo Kahortagga Xadgudubyada Ka Dhanka Ah Dadka Barakacayaasha Ee Degmada Baydhabo.

Saturday September 13, 2025 - 14:24:12
hadhwanaagnews
2. Fahamka Sababaha Xadgudubyada ka dhashaan

HORDHAC

Baydhabo, oo ah xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxay martigelisaa kumannaan qof oo barakacayaal ah kuwaas oo ka soo cararay colaado, abaaro, iyo dhibaatooyin dhaqaale. Dadkan, oo intooda badan ah haween, carruur, iyo dad da’ ah, waxay la kulmaan caqabado badan oo ay ka mid yihiin xadgudubyo jireed, maskaxeed, iyo kuwo jinsiyadeed. Fahamka xadgudubyada iyo kahortaggooda waa tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijin karo nolol sharaf leh oo nabad ah. Qormadan kooban waxay diirada saareysaa sedax arrimood oo muhiim ah ;

1.Noocyada Xadgudubyada

2.Fahamka Sababaha Xadgudubyada ka dhashaan

3.Sideen ugu hortagi karnaa Xadgudubyada

1.Noocyada Xadgudubyada

Dadka ku nool xeryaha barakacayaasha waxay la kulmaan xadgudubyo kala duwan sida kuwa aan meeshan aan ku xusay ;

·Xadgudub Jinsiyadeed: Haweenka iyo gabdhaha da’da yar ayaa si gaar ah ugu nugul kufsiga iyo tacaddiyada galmada.

·Xadgudub Jireed: Dagaallo gudaha ah, rabshado ka dhasha khilaafaadka, iyo ciqaab aan sharci ahayn.

·Xadgudub Maskaxeed: Cabsi joogto ah, niyad jab, iyo dareen la’aanta mustaqbalka.

·Xadgudub Dhaqaale: Ka faa’iideysiga shaqo la’aan, musuqmaasuq, iyo ka-xayuubinta xuquuqda aasaasiga ah.

Fahamka Sababaha Xadgudubyada ka dhashaan

·Nidaam la’aan sharciyeed: Xeryaha badankood ma laha nidaam cadaaladeed oo si hufan u shaqeeya.

·Aqoonta oo hooseysa: Dadka qaar ma fahmaan xuquuqda ay leeyihiin ama sida ay u raadsan karaan gargaar.

·Dhaqaale xumo: Saboolnimadu waxay dadka u horseedi kartaa inay u nuglaadaan xadgudub.

·Bulsho kala firdhisan: Barakacayaashu waxay ka yimaadeen deegaano kala duwan, taasoo keenta isfaham la’aan iyo khilaafyo midaas oo u sawab ah in ay dhulul kooda ka soo barakacaan xalado amni daro awgayd .

Si loo xalliyo fahamka iyo kahortagga xadgudubyada ka dhanka ah dadka barakacayaasha ee degmada Baydhabo,

1.Wacyigelin iyo Barnaamijyo Waxbarasho

Barakacayaasha iyo bulshadooda martida loo yahayba waa in la siiyo wacyigelin joogto ah oo ku saabsan sida aan meeshan ugu xusay;

  • Xuquuqda aadanaha iyo sharciga dalka.
  • Noocyada xadgudubyada (sida kufsiga, tacaddiga jinsiga, cadaadis, shaqo khasab ah iwm).
  • Sida loo helo caawimaad haddii xadgudub dhaco.
  • Meelaha lagu wargeliyo (tusaale: xarumaha hay’adaha, booliska, guddiya deegaanka).

Habab nocee ah loo adeegsankaraa

  • Barnaamijyo raadiye iyo telefishin (LAHJADA MAAY GA KU BAXO).
  • Kulan furan iyo tababaro dadweyne (community dialogues).
  • Xayeysiisyo iyo buugag kooban oo xogta fududeeya.
  • Ka faa’iidaysiga culimada iyo hogaamiyeyaasha dhaqanka.

2. Dhisidda Nidaamyo Ilaalinta Dadka Barakacayaasha

  • La xariir xarumo badbaado leh oo ay maamulaan NGO-yada ama dowladda KGS si ay dadku ugu sheegaan xadgudub.
  • Guddiyo ilaalin oo maxalli ah: Tusaale ahaan hadaan ka bixiyo haween, dhalinyaro iyo odayaal isugu jira si ay ugu adeegaan sidii gudbiye xadgudubyada loogu sheegayo hay’adaha.
  • Tababaro la siiyo ciidamada ammaanka si ay u fahmaan sida loola dhaqmo barakacayaasha si sharaf leh oo sharci ah taasi aan mudnaanta kobaad aan sinaya si ay ugu war qabaan amaanka guud barakacyaasha .

3. Sharci Sugid iyo Cadaaladda

  • Xoojinta xiriirka u dhaxeeya hay’adaha garsoorka iyo dadka barakacayaasha si ay helaan caddaalad.
  • Dallacsiinta adeegyada sharci-deeq (legal aid) oo ka bilaabma xeryaha barakacayaasha.
  • Xoojinta booliska bulshada (community policing) si ay si dhow ula socdaan xaaladda barakacayaasha.

4. Iskaashi ka dhaxeeya Dowladda, Hay’adaha iyo Bulshada

  • Isku xirnaanta dowladda hoose, hay’adaha Qaramada Midoobay/NGO-yada iyo bulshada deegaanka.
  • Qorshe mideysan oo kahortagga tacaddiyada iyo daryeelka dhibanayaasha.
  • Kormeer joogto ah oo lagu qiimeeyo xaalada xeryaha barakacayaasha.

5. Daryeelka iyo Taageerada Dhibanayaasha Xadgudubka

  • Adeegyo caafimaad iyo nafsaani (psychosocial support) oo gaar u ah dadka la kulmay xadgudub.
  • Magangelyo degdeg ah (safe shelters) loogu talagalay haweenka iyo carruurta ay khatartu saaran tahay.
  • Kaalmo dhaqaale iyo xirfado shaqo si dadka la tacaddiyay ay u gaaraan isku filnaan.

6. Ka-qaybgelinta Barakacayaasha Go’aan Qaadashada

  • Barakacayaasha la siiyo door hoggaamineed iyo talo-bixin gudaha xeryaha.
  • La dhiso goleyaal ay barakacayaashu ku matalan yihiin si ay u muujiyaan baahiyahooda.

Xalka 1

Degmada Baydhabo, waxaa la dhisi karaa guddi ka kooban hay’adaha maxalliga ah sida, booliska bulshada, culimada, haweenka barakacayaasha, iyo NGO-yada si ay si wadajir ah uga shaqeeyaan wacyigelinta, la socodka, iyo kahortagga xadgudubyada.”

Gunaanad

Fahamka qoto dheer ee xadgudubyada iyo sababahooda waa furaha kahortagga. Dadka ku nool xeryaha barakacayaasha ee Baydhabo waxay mudan yihiin nolol sharaf leh, nabad ah, iyo fursado horumarineed. Waxaa muhiim ah in la mideeyo dadaallada bulshada, dowladda, iyo hay’adaha samafalka si loo dhiso bulsho u adkeysata dhibaatooyinka, isla markaana leh awood ay ku difaacdo xuquuqdeeda. Fahamka iyo Kahortagga Xadgudubyada Ka Dhanka ah Dadka Barakacayaasha ee Degmada Baydhabo, Soomaaliya.

Name: Mr. Abdullatif Mohamed Samow

Email: [email protected]

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...