hadhwanaagnews
Sannad kasta, shilalka gawaadhidu waxay sababaan dhimashooyin iyo dhaawacyo badan. Waxaa ka sii murugo badan in mararka qaarkood dad badan ay joogaan goobta shilku ka dhacay, balse aysan awoodin inay wax caawimo ah u fidiyaan dadka dhaawacmay, sababo la xidhiidha aqoon la’aanta gargaarka degdegga ah.
Inkasta oo badbaadada iyo dhimashadu gacanta Ilaahay ku jiraan, haddana qofka aqoon u leh gargaarka degdegga ah (First Aid) wuxuu sabab u noqon karaa badbaadinta nolosha qof dhaawacmay, gaar ahaan daqiiqadaha ugu horreeya ee shilka.
Waxaa laga yaabaa in maalin aad la kulanto qof ehelkaaga, saaxiibkaa ama qof kale oo xaalad halis ah ku sugan, sida qof laf jabtay, suuxay, wadnuhu istaagay, neef qabatoobay ama biyo ku qarqoomay. Haddii aan la helin caawimada saxda ah ee degdegga ah, waxaa dhici karta in xaaladdu sii xumaato, halka aqoon yar oo gargaarka degdegga ah ahi ay badbaadin karto noloshiisa.
Barashada gargaarka degdegga ah ma aha wax adag, balse waa aqoon fudud oo qiimo weyn leh. Qofka aan aqoon u lahayn marka uu arko qof u baahan caawimo degdeg ah oo uusan waxba qaban karin, wuxuu dareemaa in wax muhiim ahi ka maqan yihiin, taas oo keenta hiif iyo qoomamo.
Gargaarka degdegga ah waxaa lagu qeexaa daryeelka ugu horreeya ee ku-meelgaadhka ah ee si degdeg ah loo siiyo qof ay soo wajahday xaalad caafimaad oo degdeg ah, ilaa uu ka helayo daryeel caafimaad oo dhammaystiran.
Badbaadinta nafaha dhaawacmay waxay sidoo kale ka mid tahay qodobbada waaweyn ee diinteenna Islaamka, gaar ahaan mabda’a "Dhawridda Nafta”. Sida uu Alle Qur’aanka Kariimka ah ku sheegay:
"Qofkii badbaadiya hal naf, waxa la mid ah inuu badbaadiyay dadka oo dhan.”
— Dr. Waliid Fatiixi
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!