Tayaynta Shaqaalaha Dawladda: Tababarro lagu Horumarinayo Maamulka iyo Hoggaaminta DAAWO

Thursday September 11, 2025 - 12:29:55
hadhwanaagnews
Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa muddooyinkii u dambeeyay



Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa soo qaban-qaabisay tababar muhiim ah oo loogu talagalay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha, Hay’adaha Dawladda iyo Wakaaladaha, kaas oo diiradda lagu saaray dib-u-habaynta iyo tayaynta shaqaalaha dowladda. Tababarkan ayaa lagu baranayay sida loo fulinayo qorshaha Barnaamijka Dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda, kaas oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ku soo saaray Digreeto bishii May, 2025.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si rasmi ah u furay tababarkan, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay tayaynta iyo horumarinta shaqaalaha dowladda maadaama ay yihiin adeeg bixiyayaasha ugu horreeya ee bulshada. Madaxweyne Cirro ayaa bogaadiyey dadaalka hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaarayaan horumarinta maamulka iyo hoggaaminta hay’adaha dowladda.

Dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda: Baahi Taagan.

Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa muddooyinkii u dambeeyay xooga saareysa casriyeynta iyo tayaynta shaqaalaha dowladda si loo hagaajiyo tayada adeegyada ay dawladdu u fidiso shacabka iyo muwaadiniinteeda. Barnaamijka dib-u-habaynta shaqaalaha dawladdu wuxuu ku saleysan yahay nidaam cadaalad ku dhisan oo qiimeeya shaqaalaha, isla markaana kordhiya xirfadaha hoggaamineed iyo maaraynta hay’adaha, si loo helo adeeg dadweyne oo tayo sare leh.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ka Hadlay Muhiimadda Madashan:

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame, ayaa tababarka ku tilmaamay madal muhiim ah oo lagu baranayo fulinta qorshayaasha shaqaalaha iyadoo la raacayo Xeerka Shaqaalaha Dawladda (Xeer No. 97/22). Sidoo kale tababarkan istaraatiijiga ah waxa kale oo lagu falanqeeyey sidii loo hubin lahaa isla markaana loo xoojin lahaa hufnaata hawlaha iyo shaqada ay qaranka u hayaan hay’adaha dowladdu, isla markaana ay u noqon lahaayeen kuow waara oo la qiimeyn karo, iyada oo lagu taageerayo wada-xidhiidhka hay’addaha dowladda dhexdooda, iskaashiga iyo xidhiidhka caalamiga ah.

Doorka Agaasimayaasha Guud ee Hoggaaminta iyo Mas’uuliyadda:

Agaasimayaasha Guud ayaa ah laf-dhabarta hogaaminta hay’adaha dawladda, waxaana laga rabaa inay noqdaan hoggaamiyeyaal karti leh, daacad ah, isla markaana ay ka go’antahay inay fuliyaan ballanqaadyadii siyaasadeed ee ku wajahan horumarinta shaqaalaha.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Haaji Xasan, ayaa tababarka ka jeediyay khudbad ku saabsan muhiimadda ay leedahay hoggaaminta wanaagsan, isagoo kula dardaarmay Agaasimayaasha in ay si daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda isla markaana ay ka shaqeeyaan fulinta balanqaadyadii siyaasaddeed ee Madaxweynaha Somaliland iyo xisbiga talada dalka haya ee Waddani ay u qaadeen bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dardaaran iyo waano u jeediyay Agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha iyo hay’adaha madaxa banana ee xukuumadda, isaga oo ku adkeeyey Agaasimayaasha Guud in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda, isla markaana ay qaranka iyo dhammaan muwaadiniinta reer Somaliland ugu adeegaan si hufan, cadaalad iyo daacadnimo leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro waxa kale oo uu xusay in madaxda dowladdu ay hayaan ammaano bulsho oo lagala xisaabtami doonaan, taasoo muujinaysa in horumar waara lagu gaadhi karo oo kaliya marka masuuliyiinta dawladdu ay si daacad ah u gutaan xilka loo igmaday. Waxa uu kula dardaarmay Agaasime kasta in uu ilaaliyo masuuliyaddiisa bulsho.

Taageerada Mashruuca Baanka Adduunka

Tababarkan ayaa waxaa ka taageeray Mashruuca Tayaynta Hay’adaha Maamulka Dawladda ee SERP oo ay maalgeliso Baanka Adduunka, taasoo qeyb ka ah dadaallada Somaliland ugu jirto inay horumariso awoodda shaqaalaha dawladda, si loo dhiso dowladnimo hufan oo waarta.

Gabagabo

Tababarkan Agaasimayaasha Guud wuxuu muujinayaa sida Somaliland ay uga go’an tahay dib-u-habaynta shaqaalaha dowladda iyo tayaynta adeegyada dadweynaha. Waxaa muhiim ah in madaxda dowladda ay sii wadaan dadaallada noocan oo kale ah si shaqaalaha dawladda ay u noqdaan kuwo xirfad iyo hufnaan leh, isla markaana si daacad ah ugu adeegaya shacabka Somaliland.

     
Loading...