Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL oo Falanqaynaysa Qorshaha Miisaaniyadeedka Sannadka 2026

Sunday August 10, 2025 - 11:53:55
hadhwanaagnews
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, oo kulanka furay, ayaa xusay
May be an image of ‎14 people, people studying, table and ‎text that says '‎1II REPUBLI MINISTRY OF 10 Wasearadde Tamurta Mocd والمعادن الطلق Wasieradda Tamarta Macdanta Mintstryat Επι Cπorς and Mineraks Wasaaradda Tamarta tyo! M Macdant والمعادں وآله. الطاة جو رل وإرهالطاة Ag Wasazrade‎'‎‎

Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo lagu falanqaynayo qorshe miisaaniyadeedka Wasaaradda ee sannadka 2026.

Kulankan oo ah mid socon doona maalmaha foodda innagu soo haya ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo darsin lahaa baahiyaha qorshe-sanadeedka Wasaaradda, looguna talo-geli lahaa miisaaniyad u dhiganta himilooyinka iyo mashaariicda la qorsheeyay.

Falanqaynta ayaa sidoo kale lagaga hadlayaa horumarinta adeegyada tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, oo kulanka furay, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in qorshaha miisaaniyadda la waafajiyo qorshaha horumarinta qaranka, si Wasaaraddu kaalin weyn uga qaadato kor u qaadista dhaqaalaha dalka iyo kobcinta adeegyada bulshada.

Ujeeddada kulanka
In la qiimeeyo qorshayaashii hore iyo waxqabadkoodii.

In la xaqiijiyo in miisaaniyadda cusub ay la jaanqaaddo baahiyaha dhabta ah ee ka jira dalka.
In la hagaajiyo hannaanka maaraynta iyo hirgelinta mashaariicda tamarta iyo macdanta.

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL waxay ku hawlan tahay sidii shacabka Somaliland loo gaadhsiin lahaa adeeg tamar oo waara, tayo leh, lana heli karo, iyo in kheyraadka dabiiciga ah looga faa’iidaysto si masuuliyad leh.


     
Loading...