Warbixinta ayaa sheegaysa in sicir-bararka bishii July uu ku sugnaa
Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka ayaa soo saartay warbixinta tusmada Qiimaha Macaamiisha (CPI) ee bisha July 2025, taas oo muujinaysa heerka isbeddelka qiimaha badeecadaha iyo adeegyada ay bulshadu isticmaasho.
Warbixinta ayaa sheegaysa in sicir-bararka bishii July uu ku sugnaa 0.8%, taas oo ah isla heerkii bishii hore ee June.
Sidoo kale, sicir-bararka sannadlaha ah ayaa hoos ugu dhacay 8.3%, marka la barbar dhigo 8.4% bishii hore.
Isbeddeladan ayaa muujinaya in qiimaha guud ee suuqyadu uu yahay mid deggan, taasoo ah calaamad wanaagsan oo tilmaamaysa xasillooni dhaqaale.