Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo degdeg ah oo muujinaysa gudashada masuuliyadda ka saaran ilaalinta danta shacabka iyo xakamaynta arrimaha xasaasiga ah ee ay falcelinteeda ka dhashaan cabashooyinka dadweynuhu, gaar ahaan marka ay timaaddo adeegyada asaaska u ah nolosha casriga ah. War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in shirkadaha isgaadhsiinta loogu yeedhay kulan degdeg ah oo lagu falanqaynayo korodhka lagu sameeyey qiimaha internet-ka.
Tallaabadan ayaa ku soo beegantay xilli ay soo ifbaxday cabasho ay bulshada reer Somaliland ka muujiyeen qiimo-kordhinta adeegyada isgaadhsiinta, gaar ahaan adeegga internet-ka oo door muhiim ah ku leh nolosha maalinlaha ah, waxbarashada, ganacsiga, shaqada fog, iyo isgaadhsiinta guud ahaan. Internet-ku waxa uu ka mid yahay xuquuqaha casriga ah ee bini’aadamka, waxaana habboon in go’aamada saamaynta ku leh adeegga bulsho ee ay bixiyaan shirkadaha gaarka loo leeyahay in shirkaduhu ka hor inta aanay dhaqan gelin ay la wadaagaan xukuumadda oo ah sharciyan cidda koobaad ee leh masuuliyadda ilaalinta danta bulshada, jaan-goynta iyo dejinta qiime cadaaladeed.
Masuuliyadda Dawladeed iyo Doorka Sharciga
Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ah cidda kaliye ee leh masuuliyadda iyo ilaalinta xayndaabka sharciyadda dalka ee arrimaha isgaadhsiinta, taas oo si toos ah ula macno ah in aanay gudaha JSL sinaba uga dhaqan-geli karin wax kasta oo ka hor imanaya xeerarka ganacsi, ilaalinta tartanka suuban, iyo danta guud ee shacabka. Iyada oo qodobbada dastuurka Somaliland iyo xeerarka la xidhiidha gamacsisaga, arrimaha maaliyadeed iyo adeegyada bulshadu ay si cad u waajibinayaan in dawladdu masuul ka tahay ilaalinta dheelitirka suuqa iyo ilaalinta macaamiisha.
Waxaa muhiim ah in la fahmo in adeegyada shirkadaha isgaadhsiintu ay yihiin kuwa ku shaqeeya liisano ay ka haystaan dowladda, isla markaana oggolaanshahooda uu ku dhisan yahay in aanay jebin karin xeerarka ganacsi ee dalka, isla markaana aanay ku kici karin wax dhib ku ah danaha shacabka iyo shuruudaha heshiisyada.
Bulshada iyo u Doodidda Xuquuqdooda
Kulan kasta oo u dhexeeya shirkadaha adeeg-bixiyeyaasha ah iyo dowladda waa in loo arkaa fursad shacabka loogu hiilinayo, lagagana hortagayo suurto-galnimada tacadi kasta oo horseedi kara tumashada xuquuqdooda. Kodhodhka qiimaha internet-ka ee aan la shaacin sababihiisa ama aan lagu wargelin bulshada si hufan waxa uu dhaawacayaa kalsoonida, wuxuuna abuurayaa xaalad muran dhaqaale iyo mid sharciyeedba leh.
Gunaanad: Dowlad u Adeegta Shacabkeeda
Tallaabada Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu waxay muujinaysaa inay si dhab ah u arkayso baahida loo qabo in si joogto ah loola xisaabtamo shirkadaha gaar loo leeyahay ee adeegyada muhiimka ah bixiya. Waxa la rajaynayaa in kulanka loo ballan sanyahay lagu gaadho go’aan midho-dhal ah oo lagu difaacayo danaha shacabka, laguna xoojinayo hab-raaca hufnaanta suuqyada muhiimka ah.
Sidaasi darteed, waxaynu odhan karnaa dawladdu waxay muujisay in ay tahay ilaaliyaha sharciga iyo daryeelaha bulshada.