Senator Ted Cruz wuxuu si cad u sheegay in Somaliland tahay dal
Muddo 34 sanno ah, bulshada Somaliland waxay ku noolayd duruufo adag oo ay ku weheliso rajo, himilo, iyo samir. Tan iyo markii ay dib u dhaltay madax Bannaanideeda 1991-kii, waxay ku jirtey socdaal dheer oo ay ku doonayso aqoonsi caalami ah, iyadoo aan marna ka daalin ilaalinta nabaddeeda, nidaamkeeda Dimuqraadiyadeed, iyo qiyamka dawladnimo. Shacabka waxay hormariyeen dhismaha magaalooyiinkoodda oo ay ka dhigay caasimaddu la tartama dawalladaha la aqoonsan yahay.
Samirkan dheer ma ahayn mid sahlan in la cabbiro, waayo Somaliland waxay ku jirtay xaalad ay dunidu ka indha lashay, balse iyadu si hagar la’aan ah ayay u sii wadday dhismaha qaran buuxa. Bulshada Somaliland waxay tusaale u noqotay isku-duubni siyaasadeed iyo mid bulsho, iyadoo mar walba ku kalsoon in waddada guushu ka timaaddo dulqaad iyo hoggaan karti leh.
Sannadihii u dambeeyay, dadaalkii muddada dheer socday ayaa bilaabay inuu midho dhalo. Warqaddii Senator Ted Cruz ee 14-ka August 2025, oo si toos ah ugu jeedday Madaxweynaha Maraykanka Donald J. Trump, waxay ahayd caddeyn kale oo muujinaysa heerka uu gaadhay xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka. Qoraalkaas waxaa lagu faahfaahiyey kaalinta istaraatiijiga ah ee Somaliland ku leedahay Geeska Afrika, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo iskaashiga caalamiga ah.
Senator Ted Cruz wuxuu si cad u sheegay in Somaliland tahay dal xasilloon, iskii isu maamula, lehna nidaam doorasho oo hufan, taas oo ay markhaati ka yihiin doorashooyinkii nabadda ku dhammaaday ee ka dhacay dalka tan iyo 2003. Waxa kale oo uu xusay kaalinta Somaliland ku leedahay la dagaallanka argagixisada iyo burcad-badeedka, iyo sida ay uga go’an tahay inay noqoto saaxiib dhow oo Maraykanka ah, xitaa iyadoo wajahayso cadaadis ka imanaya Shiinaha iyo Soomaaliya.
Su’aasha muhiimka ah ee Senator Ted Cruz weydiiyay Madaxweyne Trump waxay ahayd mid si toos ah qalbiga uga taabanaysa halganka 34-ka sanno ee shacabka Somaliland:
"Madaxweyne, haddii Somaliland tahay dal xasilloon, istaraatiiji ahaan muhiim u ah danaha Maraykanka, kana go’an iskaashi amni iyo dhaqaale, maxaa looga diiday aqoonsiga rasmiga ah ee ay xaqa u leedahay?”
Falanqaynta run tahaantii waxay muujinaysaa in 34-kii sanno ee samirka bulshada Somaliland uu ahaa maalgashi istaraatiiji ah. Ma ahayn oo keliya sugitaan aqoonsi, ee waxa uu ahaa dhisid sharaf, sumcad, iyo saldhig dawladnimo oo adag, si marka aqoonsigu yimaaddo uu noqdo mid waara oo aan dib loo burburin karin.
Maanta, fariinta ka soo baxday Senate-ka Maraykanka waxay u calaamad tahay in socdaalkii dheer ee ummadda Somaliland uu galay wejigii go’aanka. Samirkii iyo adkaysigii shacabka ayaa u muuqda kuwo midho dhalaya, iyadoo mar walba la xusuusanayo in guusha ugu weyn ee qaran lagu gaadho ay tahay marka shacabku isku duubmaan oo ay wadajir hal himilo u wada socdaan.
Gabagabo
Halganka 34 sanno ee shacabka Somaliland waa cashar ku saabsan adkaysi, midnimo, iyo kalsooni ku dhisan mabda’a qaranimo. Maanta, ifafaale siyaasadeed oo cusub ayaa ka soo muuqda Washington, taas oo muujinaysa in samirkii dheer ee shacabka uu isu beddeli karo rajadii aqoonsi dhab ah. Somaliland waxay caddeysay in qaranimadu aanay ku iman dalab degdeg ah, ee ay ku dhalato dulqaad, isku-duubni, iyo adeeg joogto ah oo qaran. Waqtigu waa kii go’aamin lahaa, balse maanta waxaa muuqata in runta iyo xaqa ay bilaabeen inay helaan dheg iyo indho caalami ah.
Daahir Cabdi Ciise