Xukuumada JSL oo Ka-jawaabtay Baaqii Bulshadda Reer Hadaaftimo: Tallaabo Muujinaysa Dhegeysiga Bulshada

Monday September 01, 2025 - 12:41:10
hadhwanaagnews
Ka falcelinta xukuumadda ee baaqii bulshada reer Hadaaftimo waxay


Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah uga jawaabtay baaq ay soo jeediyeen bulshada deegaanka Hadaaftimo ee bariga gobolka Sanaag, kuwaas oo ka cabanayay biyo la’aan baahsan oo deegaanka ka jirta oo ay sababeen abaaraha ba’an ee soo noqnoqda. Bulshadan ayaa xukuumadda Somaliland ka codsatay in ceelbiyood (riig) loo qodo oo laga hirgaliyo deegaankaas si xal waara loogu helo dhibaatada biyaha, taas oo saameyn ku yeelatay nolosha, waxbarashada, iyo caafimaadka dadka deegaanka.

Jawaabta xukuumadda Waxqabad iyo wadajir ayaa caddeyn u noqotay in codka bulshada rayidka ah ee reer Somalialnd si dhab ah loo dhagaysanayo, isla markaana laga shaqeynayo sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada. Arrintan ayaa tusaale u ah sida baaqyada bulshada ee xaqa ahi ay sida ugu dhakhsaha badan ugu gaadhayaan madaxda ugu sarraysa xukuumadda dalka, islamarkaana u noqon karaan waddo lagu horumarin karo adeegyada muhiimka ah ee nolosha bulshada.

Ka falcelinta xukuumadda ee baaqii bulshada reer Hadaaftimo waxay muujinaysaa istaraatiijiyadda hoggaanka xukuumadda ee ku saleysan dhegeysi iyo wax ka qabashada baahiyaha muwaadiniinta, taasoo dhiirrigelinaysa in bulshada rayidka ahi ay ka qaybqaataan horumarinta deegaanka iyo dalka oo dhan. Tani waa tallaabo dhiirrigelinaysa iskaashi ka dhexeeya bulshada iyo dowladda, isla markaana fure u ah horumar waara iyo xasilooni bulsho.

     
Loading...