Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si cad u muujiyay dedaal ballaadhan iyo waxqabad joogto ah oo lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah ee guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka. Tallaabooyinkan ayaa si toos ah u taabanaya nolosha bulshada reer Somaliland, kuwaas oo wax weyn ka bedelaya isla markaana si togan u hagaajinaya tayada adeegyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha, iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah.
Muddo saddex todobaad gudahood ah, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu ka hirgeliyay mashaariic horumarineed magaalooyinka Boorama, Gabiley, Hargeysa, Berbera, Oodweyne, iyo Burco. Mashaariicdan ayaa isugu jira horumarinta cisbitaallada, adeegyada caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha biyaha, dhismaha garoonno casri ah oo kubadda cagta ah, iyo daadejinta adeeg bixinta dowladda.
Mashruucyadan ayaa ah cadeyn muuqata oo si cad u muujinaysa sida ay xukuumadda uga go’an tahay horumar joogto ah oo la gaadhsiiyo gobollada dalka, isla markaana kor loo qaado tayada adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. Waxay sidoo kale ka tarjumaysaa aragtida Madaxweynaha ee ah in horumarka dhabta ah uu ka yimaado qorshe cad, fulin hufan, iyo ka go’naansho dhab ah oo lagu daryeelayo nolosha muwaadiniinta Somaliland.
Boorama: Himilo Madaxweyaha ee Horumarinta Gobolka Awdal:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa magaalada Boorama kaga dhawaaqay mashaariic horumarineed oo muhiim ah oo ay xukuumaddiisu ka hirgelinayso magaalada Boorama iyo guud ahaan Gobolka Awdal. Mashaariicdan ayaa ujeeddadoodu tahay kor u qaadista adeegyada bulshada, horumarinta dhaqaalaha, iyo dhisidda kaabayaasha muhiimka ah ee gobolka.
Madaxweynaha ayaa xusay in xukuumaddiisu tahay mid la dareen ah dadkeeda, isla markaana ay ka go’an tahay in la fuliyo ballanqaadyadii xilligii ololaha doorashada ee horumarinta bulshada gobolka. Mashaariicda Madaxweynuhu fulintooda ku dhawaaqay waxaa ka mid ah: qalabaynta iyo horumarinta Hoolka weyn ee Jaamacadda Camuud, dhismaha xarun cusub oo casri ah oo loogu talagalay maamulka jaamacadda, dhul loogu talagalay xarun cusub oo Jaamacadda Camuud ka dhisi doonto magaalada Hargeysa, dhismaha iyo dhamaystirka Madaarka Boorama, qalabaynta Dhakhtarka Weyn ee Boorama oo ay ka mid yihiin mishiinka dhaliya Oxygen iyo CT-Scan, hoos-u-dhigista qiimaha biyaha iyo korontada, dhismaha garoonka kubadda cagta Xaaji Daahir Cilmi, waddooyinka muhiimka ah sida Baki-Boorama iyo Boorama-Lawyacaddo, iyo bilowga qorshaha dhismaha Dekedda Lughaya.
Madaxweynaha ayaa bulshada, aqoonyahanka, madaxda dhaqanka, hay’adaha dawliga ah, ganacsatada iyo haldoorka gobolka Awdal ugu baaqay in ay sii wadaan iskaashiga iyo midnimada si horumarka Gobolka Awdal uu u noqdo mid waara, una horseeda bulshada nolol wanaagsan oo horumarsan, adeegyo casri ah, iyo mustaqbal ifaya oo jiilasha soo socdaa ay munaafacaadsadaan.
Gabiley: Mashaariic lagu Horumarinayo Nolosha Bulshada:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magaalada Gabiley ka fuliyay mashaariic horumarineed oo muhiim ah, kuwaas oo si toos ah u taabanaya nolosha bulshada. Mashaariicdan waxaa ka mid ah adeegyo caafimaad, ballaadhinta adeegyada iyo kaabayaasha biyaha, iyo dhismaha garoon casri ah oo kubadda cagta ah, Mashruucyadan ayaa cadeyn u ah sida ay xukuumadda uga go’an tahay in horumar joogto ah la gaadhsiiyo gobollada dalka, isla markaana kor loo qaado tayada adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Mashaariicda Horumarineed ee Madaxweynaha Somalialnd Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ka hirgeliyay waxaa ka mid ah: Dhaqtarka Gabiley oo lagu soo kordhiyay mishiin casri ah oo ah mishiinada dhaliya hawada nadiifta ah (Oxygen Generator ah), si loo taageero bukaanada xaaladaha deg-degga ah ay la soo dersaan. Mashruuca macaanaynta biyaha, Gabiley, qodista ceelal cusub iyo isku-xidhka ceelashii hore ee magaalada, kaas oo wax weyn ka taraya ilaalinta caafimaadka bulshada iyo kor u qaadista fayo-qabka.
Helitaanka biyo macaan oo joogto ah ayaa ka hortagaya cudurrada ka dhasha biyaha wasakhaysan, isla markaana hagaajinaya tayada nolosha reer Gabiley. Qodista ceelasha cusub iyo isku-xidhka ceelasha hore waxay xaqiijinaysaa in biyo nadiif ah ay gaadhaan dhammaan xaafadaha iyo qaybaha magaalada, iyadoo la yareynayo baahiyaha degdegga ah ee bulshada.
Sidoo kale mashaariicda laga hirgeliyay magaalada Gabilay waxaa ka mid ah, dhismaha Garoonka kubadda cagta oo casriga ah iyo hoos-u-dhigista qiimaha laydhka: Tallaabadaas oo bulshada reer Gabilay u horseedi doona awood dheeraad ah oo ay ku dabooli karaan baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha, isla markaana dhiirrigelinaysa koboca ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha deegaanka.
Mashaariicdan waxay muujinayaan himilada xukuumadda ee ‘Wadajir iyo Waxqabad’, iyaga oo kor u qaadaya tayada nolosha bulshada, adeegyada aasaasiga ah, iyo fursadaha dhalinyarada..
Mashruuca Biyo-ballaadhinta Berbera:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa 19 August 2025 si rasmi ah u furay Mashruuca Biyo-ballaadhinta magaalada Berbera. Mashruucan, oo uu Madaxweynuhu dhagax-dhigay bishii March 2025, waxaa si buuxda u maalgelisay xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad.
Tallaabadan waxay astaan u tahay fulinta ballanqaadyadii xukuumadda ee ku aaddanaa horumarinta adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan helitaanka biyo nadiif ah oo joogto ah. Mashruucu waxa uu si toos ah u saameyn doonaa tayada nolosha dadka degan Berbera, isagoo xallinaya caqabado muddo dheer magaalada ka jiray.
Mashruuca Biyo-ballaadhinta Berbera wuxuu u taagan yahay horumar waara, adeeg bulsho oo la taaban karo, iyo hirgelinta ballanqaadyada xukuumadda ee horumarinta kaabayaasha muhiimka ah. Waxa kale oo uu muujinayaa sida Madaxweynaha qaranku ay uga go’an tahay daryeelka nolosha shacabka, horumarinta dhaqaalaha, iyo dhisidda bulsho caafimaad qabta oo ku tiirsan adeegyada aasaasiga ah. Berbera maanta waxay tusaale cad u tahay sida ay xukuumaddu uga hirgelisay horumar la taaban karo oo ku dhisan qorshe cad iyo fulin hufan.
Burco: Xarunta Cusub ee Horumarka Somaliland:
Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa dhawaan noqotay goob martigelisay dhacdooyin taariikhi ah oo dhaxal-gal u noqon doona shacabka Somaliland. Intii u dhaxaysay 20–22 August 2025, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa halkaas ka hirgeliyay mashaariic horumarineed oo waaweyn, isla markaana dhagax-dhigay kuwo kale, mashaariicdaas waxaa ka mid ahaa hirgelinta Cusbitaal Casri ah oo leh Takhasusyo badan oo kala duwan, mashruuca biyo-ballaadhinta magaalada, hindisaha mashruuca maamul-daadejinta adeegyada dowladda, hirgelinta aagga warshadaha, dhismaha Gurigigii lagaga dhawaaqay madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, Matxaf iyo Maktabad Qaran, dib-u-dhiska Garoonka Alamsey, waddooyin cusub, iyo Taallada Halgamaa Sheekh Bashiir Yuusuf Xaaji Xasanl.
Oodweyne: Hirgelinta Mashaariic Horumarineed oo Taariikhi ah:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa intii uu safarka waxqabadka iyo midnimada ku marayay gobollada Togdheer iyo Daad-madheedh, waxa uu magaalada Oodweyne ka dhagax-dhigay mashaariic horumarineed oo muhiimad weyn u leh bulshada deegaanka. Mashaariicdan cusub ayaa si toos ah u taaban doona adeegyada caafimaadka, waxbarashada, garsoorka iyo ciyaaraha, iyagoo kor u qaadaya tayada nolosha shacabka.
Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay ballaadhinta Dhakhtarka Degmada Oodweyne, kaas oo lagu darayo adeegyo casri ah iyo qaybaha aasaasiga ah ee bulshada u baahan tahay. Dhagax-dhigga 7 iskuul oo cusub oo laga hirgelinayo gobolka Daad-madheedh, dhismaha Xabsiga Dhexe ee Oodweyne iyo dhismaha Garoonka Kubbada Cagta ee magaalada Oodweyne.
Fariinta Safarka:Safarka Madaxweynaha wuxuu muujinayaa sida xukuumadda "Wadajir iyo Waxqabad” ay uga go’an tahay in adeegyada caafimaad, waxbarashada, cadaaladda iyo ciyaaraha la gaadhsiiyo dhammaan gobollada si bulshadu u dareento sinnaanta iyo horumar qaran.
Hargeysa: Tallaabooyinka Muhiimka ah ee Horumarinta Adeegga Biyaha:
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale muujisay go’aan adag iyo dedaal muuqda oo ku aaddan horumarinta adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan helitaanka biyo nadiif ah oo joogto ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay mashruuca qodista iyo isku-xidhka ceelasha biyaha ee Hargeysa, isla markaana daah-furay mashaariic cusub oo toos u taabanaya kaabeyaasha biyaha, kuwaas oo si weyn u xoojin doona adeegga biyaha ee caasimadda.
Biyo-xidheenka cusub ee Kalqoray
Biyo-xidheenka cusub ee Kalqoray, oo qaadaya 1.8 milyan cubic meters oo biyo ah, ayaa noqday mid ka mid ah tallaabooyinka ugu weyn ee dalka laga hirgeliyey, taasoo cadeynaysa kartida Somaliland iyo go’aanka xukuumadda ee la xidhiidha in si dhab ah loo xalliyo caqabadaha biyaha. Mashruucyadan waxay si toos ah u taabanayaan nolosha bulshada, iyaga oo taageeraya caafimaadka, waxbarashada, iyo horumarinta dhaqaalaha.
Tallaabooyinkan istiraatiijiga ah waxay muujinayaan biseyl siyaasadeed, maamul hufan, iyo xilkasnimo ku dhisan wadaniyad oo horseedi karta mustaqbal ifaya. Helitaanka biyo nadiif ah oo joogto ah maaha oo kaliya adeeg aasaasi ah, balse waa dhaxal qaran oo jiilasha dambe u horseedi doona nolol caafimaad leh iyo xasillooni bulsho.
Hoos-u-dhigista Qiimaha Laydhka:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku dhawaaqay go’aan muhiim ah oo hoos-u-dhigaya qiimaha laydhka ee magaalooyinka Berbera, Boorama, Gabiley, iyo Burco. Tallaabadan ayaa si toos ah uga jawaabeysa baahiyaha bulshada, isla markaana kor u qaadaysa fursadaha dhaqaale ee dadka ku dhaqan gobollada iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka.
Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha JSL waxay astaan u tahay dadaalka xukuumadda ee lagu horumarinayo nolosha bulshada iyo dhaqaalaha dalka. Iyadoo la fududeynayo kharashka tamarta, taas oo suuro-gelinaysa in bulshadu ay hesho fursado badan oo ay ku kobcin karaan dhaqaalahooda, iyada oo xarumaha bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashadana u sahlaysa in ay si hufan u shaqeeyaan, sidoo kale tallaabadani waxay dhiirrigelinaysaa maalgashiga gudaha iyo dibadda, taasoo guud ahaan kor u qaadaysa horumarka iyo fayo-qabka bulshada.
Gunaanad:
Waxqabadka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa muujinaya aragti cad iyo go’aan adag oo ku aaddan horumarinta adeegyada aasaasiga ah, tayeynta nolosha bulshada, iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Mashaariicda caafimaadka, waxbarashada, biyaha, kaabayaasha, garoomada ciyaaraha, iyo hoos-u-dhigista qiimaha laydhka ayaa si toos ah u taabanaya baahiyaha bulshada, isla markaana kor u qaadaya fursadaha ganacsi, sidoo kalena abuuraya nolol caafimaad qabta, adeegyo casri ah, iyo mustaqbal ifaya oo jiilasha soo socda ay ka faa’iideysan doonaan. Tallaabooyinkan waxay caddeyn u yihiin sida xukuumadda "Wadajir iyo Waxqabad” uga go’an tahay in horumarka iyo fayo-qabka bulshada lagu gaadho qorshe cad, fulin hufan, iyo ka go’naansho dhab ah.