Madaxweynaha oo Wershedlayda Waddanka u Ballanqaaday Dhul, Koronto Jaban iyo Fursado kale

Wednesday October 29, 2025 - 12:54:34
hadhwanaagnews
Warshadleyda dalku waxa ay Madaxweynaha la wadaageen duruufaha...



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay kulan gaar ah la yeeshay Warshadleyda dalka, kulankaasi oo ay codsadeen maamulka sare ee Warshadleyda JSL. Isla arkaan ay xukuumadda Somaliland ku doonayso in lagu xoojiyo horumarka iyo wax-soo-saarka Wershadasha maxaliga ah.

Ugu horrayn, Warshadleyda dalku waxa ay Madaxweynaha ku bogaadiyeen hawlaha muhiimka ah ee uu qabtay muddadii koobnayd ee uu talada dalka hayay, gaar ahaan arrimaha nabadaynta iyo xasilinta gobollada bariga, Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo xoojinta xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Beesha Caalamka.

Warshadleyda dalku waxa ay Madaxweynaha la wadaageen duruufaha iyo cabashooyinka ay qabaan, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha Cashuur Dhaafka Qalabka, Mishiinnada iyo Agabka (Raw Meterialska) Warshadaha. Sidoo kale, Warshadleydu waxa ay ka cawdeen maalgelin la’aan iyo tartanka adag ee ay kala kulmaan Badeecadaha lagu soo warshadeeyo dibedda. Waxaana ay codsadeen in ay Xukumaddu hoos u eegto duruufaha ku xeeran Warshadleyda dalka.

Madaxweynuhu waxa uu si taxaddir leh u dhegeystay dhammaan arrimaha ay Warshadleydu ka cabanayeen, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan wax-soo-saarka gudaha iyo kobcinta dhaqaalaha Qaranka. Madaxweynuhu waxa uu Warshadleyda u xaqiijiyey in Xukuumaddu ay si dhab ah u eegi doonto arrimaha ay ka cabanayaan, si loo helo xal waara oo dhiirrigeliya maalgashiga iyo horumarinta Warshadaha Maxalliga ah.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in Warshadleyda dalka loo fududeyn doono helitaanka dhul bilaash ah oo ay Warshadahooda ka dhisan karaan, isla markaana Xukuumaddu ay dadaal xooggan ku bixin doonto in ay helaan Shidaal jaban, Koronto jaban, iyo Cashuur-dhaaf Sharci ah wixii Xeerarka Maamulka iyo Maaliyadda ay Warshadleyda dalka xaq u siinayaan.

Madaxweynuhu waxa uu Warshadleyda xasuusiyey in wax-soo-saarka Warshadaha ee gudaha dalku uu yahay furaha horumarka iyo madaxbannaanida dhaqaale ee dalka, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in la abuuro Siyaasad iyo Istiraatiijiyad Qaran oo dhiirrigelisa Warshadaha Maxalliga ah, laguna ilaaliyo tartan caddaalad ah oo ka dhexeeya alaabta gudaha iyo tan dibedda lagu soo warshadeeyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu maamulka sare ee Warshadleyda dalka u sheegay in wixii Warshadleyda u dan ihi ay Xukuumaddana dan u yihiin.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-fahan iyo niyad-wanaag, iyada oo Warshadleydu ay soo dhaweeyeen hadalka Madaxweynaha, isla markaana uga mahad celiyeen dedaalkiisa iyo aragtidiisa fog ee uu ku wajahayo horumarinta Warshadaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

     
Loading...