hadhwanaagnews
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland ayaa sheegay in Xoghayaha Dowladda Hoose ee Burco, oo kamid ahaa masuuliyiintii dhowaan loo xiray eedeymo la xiriira dhul danta guud ah, uu xafiiska u soo gudbiyey qoraal uu ku caddeynayo in uu dib u celiyey dhulkii lagu eedeeyey.
Xafiiska Hantidhawrka ayaa sidoo kale sheegay in dacwadda la xiriirta masuuliyiinta kale ee lagu eedeeyey arrintan ay weli hortaallo xafiiska Xeer-ilaalinta, isla markaana ay dacwadeedu wali socoto.
War ka soo baxay Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa lagu sheegay in kiiskan uu hadda ku jiro marxalad sharci ah, isla markaana go’aanka kama dambaysta ah laga sugayo maxkamadda.
"Dacwadda masuuliyiinta dowladda hoose ee Burco ee aan ku eedeynay dhulka danta guud ah waxay hortaala xafiiska Xeer-ilaalinta, dacwadaasna waa mid wali socota. Annaga Xafiiska Hantidhawrka Guud shaqadayadu way ka dhamaatay, maxkamadda ayaana laga sugayaa go’aanka ay ka soo saarto,” ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay xafiiska.
Xafiisku wuxuu intaa ku daray in Xoghayaha Fulinta Dowladda Hoose ee Burco uu soo gudbiyey qoraal uu ku caddeynayo in dhulkii danta guud ahaa ee lagu eedeeyey uu dib ugu celiyey hantida qaranka, arrintaas oo noqotay qiraal ka hor inta aanay maxkamaddu xukun rasmi ah ka gaarin kiiska.