Marka aad Doollar haysato
100=1070,000
Qiimaha Sarrifka Doolarka ayaa weli ah mid halkii ay Xukuumaddu ugu timid taagan iyada oo 100 dollar lagu sarrifayo Hal Milyan iyo Waliba sideetan Kun oo shillinka Somaliland.
Qiimaha Sarifka ee $100 Kaash iyo Dollar.
Marka aad Kaash haysato
100= 1080,000
Marka aad Doollar haysato
100=1070,000
Baanka Dhexe oo ah kan masuulka ka ah ilaalinta Qiimaha Shillinka, La Socodka Isbedbedelka Sarrifka lacagaha qalaad iyo la dagaalanka Sicir bararka ayaa hadda u muuqda in ay ku talo galeen in Qiimaha Sarrifka Dollarka ay ku hayaan halkii Hore ee ay ugu yimaadeen.
Dal waliba Waxa uu ku dedaalaa sidii ay lacagtiisu u yeelan lahayd Qiimo, Masuuliyiinta Xilligan ee Baanka Dhexe oo iyana Qaaday jidkii Qoladii in yar uun ka horeysay ma muuqato in ay soo celiyaan Haybadda Lacagta Somaliland, Maxaa yeelay dhaqdhaqaaqooda ayaan laga arkin.
Ganacsatada ayaa iyana uu xukuumaa Qiimaha Sarrifka Dollarku, maadaama ay Dibadaha ka keenaan alaabooyinka Waxa saamayn ku yeesha Kor u kaga Dollarka ee Suuqyadda Somaliland, waxaanay iyana sare u qaadaan Qiimaha ay dib ugu sii iibinayaan alaabooyinka.
Halka ay geeyaan Hoos ugama degaan xitaa haddii uu Dollarka Sarrifkiisu Dhulka galo, Maxaa yeelay ma jirto cid la xisaabtamaysaa.
Bulshada Somaliland oo intooda badan ku tiirsan Shaqaalaha Kala duwan ee Dawladda ayaa iyana qiimaha sare ee Sarrifka Doolarku uu saamayn xooggan ku yeeshay noloshooda, Maxaa yeelay Mushahaarka ay qaadanayaan oo Shillinka Somaliland ahi waxba uguma Filna, Marka Kirada Guriga, Waxbarashada, Cuntada, Laydhka, Biyaha iyo Baahiyaha kaleba ay bixinayaan Waxa lagu soo dalacayaa Dollar.
Waxa ay Weli Bulshadu ka dhursugaysaa Baanka Dhexe oo ay malaha ka rejjo qabaan in uu wax ka qabto Qiimaha Sarrifka Dollarka, waxayse u muuqdaan kuwo ku talo galay in aanay isku taataaban ee ay sidiisa Garbo Duub ugu hayaan.
Hadaba adiga sidee buu Saamayn kuugu Yeeshay Sicir bararku?