Ra'iisul Wasaare Shehbaz Sharif oo u Safraya Sacuudiga si Looga Wada Hadlo Xiisadaha Bariga Dhexe

Friday March 13, 2026 - 00:04:31
hadhwanaagnews
Dhanka kale, Ra'iisul Wasaare Sharif ayaa sidoo kale wadahadal telefoon...



Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa la filayaa inuu u safro Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu kula kulmi doono Dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman, si ay uga wada hadlaan xiisadaha sii kordhaya ee ka taagan Bariga Dhexe.


 

Safarkan ayaa imanaya kaddib markii taliyaha ciidanka Pakistan Asim Munir uu wada-hadallo la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Sacuudiga, iyadoo kulamadan ay ka dambeeyeen weerarro gantaallo ah oo ay Iran ku qaaday dalal ka tirsan Khaliijka, oo uu ka mid yahay Sacuudiga, sida ay warisay warbaahinta Bloomberg.


 

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Sharif ayaa sidoo kale wadahadal telefoon kula yeeshay Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, isagoo u muujiyay rajada ah in Iran ay mustaqbalka ku naaloon doonto nabad, xasillooni, sharaf iyo barwaaqo.


 

Wararka ayaa sheegaya in safarka Sharif ee Sacuudiga uu yahay dadaal diblomaasiyadeed oo Pakistan ku doonayso inay Iran ku dhiirrigeliso wadahadal iyo xal nabadeed, si loo dejiyo xiisadaha ka taagan gobolka.


 

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan Tahir Hussain Andrabi ayaa sheegay in kulanka Sharif iyo Mohammed bin Salman uu diiradda saari doono xaaladda amni ee gobolka iyo sidii xal nabadeed loogu heli lahaa xiisadaha jira.


 

Safarkan ayaa sidoo kale la sheegay inuu daba socdo wada-hadallo qarsoodi ah oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya Iran iyo xulafada reer Galbeedka, iyadoo Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian uu sheegay in mid ka mid ah shuruudaha xabbad-joojinta ay tahay in la helo dammaanad ka hortagta weerarro mustaqbalka dhici kara.


 

Dhanka kale, Pakistan oo ah dal leh hub nukliyeer ayaa leh heshiis difaac wadajir ah oo ay la gashay Sacuudiga, kaas oo dhigaya in weerar lagu qaado midkood loo arki doono weerar lagu qaaday labada dal. Si kastaba ha ahaatee, khubaro arrimaha caalamiga ah ka faalloota ayaa sheegaya inay aad u yar tahay suurtagalnimada in Pakistan si toos ah u weerarto Iran, balse ay suuragal tahay inay Sacuudiga ka taageerto difaaca weerarrada drones-ka iyo taageero farsamo oo militari.


 

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Sharif ayaa xidhiidh joogto ah la lahaa Madaxweynaha Indonesia Prabowo Subianto, si loo dardargeliyo dadaallada lagu raadinayo xal nabadeed oo lagu soo afjaro colaadda. Wararka qaar ayaa xitaa sheegaya in labada hoggaamiye ay suurtagal tahay inay booqasho wadajir ah ku tagaan Tehran, si ay uga qayb qaataan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu dejinayo xaaladda Bariga Dhexe.

     
Loading...