Guddoomiyaha Bangiga Dhexe: "Waxaan soo gebogabaynay istaraatijiyad saddex sano hagaysa Bangiga"

Saturday April 18, 2026 - 02:14:55
hadhwanaagnews
Waxa uu xusay in istaraatijiyaddan lagu soo ansixiyey aqoon-iswaydaarsi



Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi, ayaa muujiyey farxad weyn oo ku aaddan soo gebogabada istaraatijiyaddii Bangiga Dhexe ku shaqeyn lahaa muddada saddexda sanno ee soo socota.


 

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in geeddi-socodka lagu diyaariyey istaraatijiyaddan uu ahaa mid muhiim ah, isla markaana lagu mideeyey aragti iyo jihayn cad oo lagu horumarinayo hawlaha Bangiga Dhexe, si loo xoojiyo nidaamka maaliyadeed ee dalka.


 

Waxa uu xusay in istaraatijiyaddan lagu soo ansixiyey aqoon-iswaydaarsi socday laba maalmood, kaas oo diiradda lagu saaray qiimaynta, isku dubbaridka iyo ansixinta qorshaha mustaqbalka.


 

"Maanta waxa farxad innoo ah inaynu halkan ku soo gebo-gabaynay laba maalmood oo aqoon-iswaydaarsi ah oo aynnu ku ansaxinaynay, isla markaana isku la eegaynay istaraatijiyaddii aynnu ku shaqeynaynay muddada saddexda sanno ee soo socota ah haddii Alle yidhaahdo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.


 

Ugu dambayn, Guddoomiyuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in istaraatijiyaddani ay saldhig u noqon doonto horumar waara oo Bangiga Dhexe gaadho, isla markaana ay kor u qaadi doonto hufnaanta, kalsoonida iyo waxqabadka hay’adda.

     
Loading...