Golaha Guurtida Somaliland oo Ansixiyay Saddex Xeer oo Muhiim u ah Dalka

Saturday May 09, 2026 - 14:27:43
hadhwanaagnews
Xeerarka la meel mariyay ayaa kala ah:

Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo Sheegay inay Madaxweynaha JSL iyo Xukuumadiisa ba ay la Shaqeynayaan


Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta ansixiyay saddex xeer oo muhiim ah, kuwaasi oo la xiriira horumarinta warshadaha, maamulka tamarta korontada iyo maareynta masiibooyinka qaranka.


 

Fadhiga Golaha Guurtida oo ay si wadajir ah u shir-guddoominayeen Guddoomiyaha Golaha Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Mudane Axmed Cabdi Shide, ayaa waxaa kasoo xaadiray 71 mudane oo ka qeyb galay codeynta xeerarkaasi.


 

Xeerarka la meel mariyay ayaa kala ah:

 

Xeerka Horumarinta Warshadaha Xeer Lr.111/2026

Wax ka beddelka iyo kaabista Xeerka Maamulka Tamarta Korontada Xeer Lr.81/2026

Xeerka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Xeer Lr.38/2026


 

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta, isaga oo sheegay in xeer kasta si gaar ah loogu codeeyay isla markaana uu helay aqlabiyadda xubnaha golaha.


 

Xeerka Maamulka Tamarta Korontada ayaa waxaa ogolaaday 68 mudane, halka laba mudane ay ka aamuseen, guddoomiyuhuna aanu codeyn, sidaasna uu ku ansaxay.


 

Sidoo kale, Xeerka Horumarinta Warshadaha ayaa waxaa taageeray 69 mudane, halka hal mudane uu diiday, waxaana uu xeerku ku meel maray cod aqlabiyad leh.


 

Dhanka kale, Xeerka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa waxaa ogolaaday 66 mudane, shan mudane ayaana diiday, iyadoo guddoomiyuhuna aanu codeyn, sidaasna uu xeerku ku ansaxay.

     
Loading...