Wasiirka Madaxtooyada Somaliland: Iskaashi Amni Oo Somaliland Iyo Israa'iil Mustaqbalka Ka Dhexeeya Waa Suurtagal

Thursday March 12, 2026 - 14:00:43
hadhwanaagnews
Wasiirku wuxuu sheegay in weli aan si rasmi ah looga wada hadlin

Siduu Xisbiga Waddani U Arkaa Shirka Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco Shaaciyeen Inay Qabsanayaan?


Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa wareysi uu siiyey Bloomberg kaga hadlay suurtagalnimada iskaashi dhinaca ammaanka ah oo mustaqbalka u dhexeeya Somaliland iyo Israel.


 

Wasiirku wuxuu sheegay in weli aan si rasmi ah looga wada hadlin arrinta ku saabsan in saldhig milatari laga sameeyo Somaliland, balse mustaqbalka laga yaabo in la sameeyo falanqayn iyo qiimeyn ku saabsan arrintaas.


 

Khadar Xuseen Cabdi ayaa sidoo kale xusay in Somaliland ay danaynayso inay la yeelato Israa’iil xiriir amni oo istiraatiiji ah, kaas oo noqon kara mid ballaadhan oo ka kooban dhinacyo kala duwan oo iskaashi ah.

     
Loading...