hadhwanaagnews
Mararka qaarkood qofku wuxuu isweydiiyaa: "Maxaan u guuleysan kari la’yahay?” Laakiin jawaabta ugu dhow mararka qaar waxay noqotaa mid fudud: adiga ayaa aaminsanayn inaad guuleysan karto.
Guushu inta badan waxay ka bilaabataa maskaxda iyo aaminsanaanta nafta. Haddii qofku naftiisa ku qanciyo inuusan awoodin, maskaxdiisu waxay joojinaysaa isku dayga, taas oo ka dhigaysa guusha mid aad uga sii fog.
Laakiin marka qofku naftiisa ku kalsoonaado oo uu aaminsanaado inuu wax qaban karo, wuxuu helaa dhiirigelin uu ku dadaalo, ku adkaysto, kuna gudbo caqabadaha.
Sidaa darteed, tallaabada ugu horreysa ee guusha waa inaad beddelato fikirkaaga, oo aad naftaada ku tidhaahdo:
"Waan awoodaa, waan isku dayayaa, waanan guuleysan karaa.”
Guushu waxay ka bilaabataa rumaynta nafta.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!