hadhwanaagnews
Maayirkii hore ee Caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa si weyn u bogaadiyey Xoghayaha Fulinta ee Dawladda Hoose Hargeysa, Mukhtaar Gaaxnuug, isaga oo ku tilmaamay masuul ku suntan daacadnimo, hufnaan iyo ilaalinta hantida qaranka.
Cabdikariim Axmed Mooge ayaa sheegay in Xoghayaha Fulintu muddadii uu xilka hayey muujiyey karti, masuuliyad iyo dedaal dheeraad ah, isaga oo si joogto ah uga shaqaynayey horumarinta adeegyada Dawladda Hoose iyo daryeelka danaha bulshada.
"Nin Lexejeclo u Leh Xoolaha Ummadda”
Isaga oo ka hadlayey hab-dhaqanka iyo shaqsiyadda Xoghayaha Fulinta, Cabdikariim Axmed Mooge ayaa sheegay in uu ahaa masuul si gaar ah uga taxaddara ilaalinta hantida ummadda.
"Wuxu noqday nin lexejeclo u leh xoolaha ummadda, walaalkay nin xoolaha ummadda ku adag oo isku dayay in uu furto mararka qaarkood, oo wixii uu awoodo isagu tiisa ka bixinaya ayuu noqday,” ayuu yidhi Cabdikariim Axmed Mooge.
Doorkii uu Ka Qaatay Marxaladihii Adkaa
Maayirkii hore ee Hargeysa ayaa sidoo kale ku ammaanay Xoghaye Mukhtaar Gaaxnuug kaalintii uu ka qaatay xilliyadii adkaa ee kala guurka maamulka, isaga oo tilmaamay inuu door muuqda ka qaatay xasilinta iyo socodsiinta hawlaha Dawladda Hoose.
Waxa uu xusay in Xoghayuhu si joogto ah uga shaqayn jiray la socodka shaqooyinka, xisaabtanka, dabagalka mashaariicda iyo hubinta habsami-u-socodka adeegyada bulshada.
Shaqaale Lagu Maamuusay Daacadnimadooda
Cabdikariim Axmed Mooge ayaa hadalladan ka jeediyey munaasibad lagu maamuusayey shaqaalaha Dawladda Hoose Hargeysa, laguna abaalmarinayey dedaalka, daacadnimada iyo adeegga ay u hayeen bulshada.
Munaasibadda ayaa lagu bogaadiyey shaqaalaha iyo masuuliyiinta ka qayb qaatay horumarinta adeegyada Dawladda Hoose, iyadoo la xusay muhiimadda ay leedahay dhiirrigelinta shaqaalaha daacadda ah ee u adeega bulshada iyo qaranka.