Sidee Loo Dejinaa Qalbiyada Carruurta Xilliyada Qalalaasaha?

Friday March 13, 2026 - 01:43:14
hadhwanaagnews
1. Noqo ammaan kooda koowaad

May be a doodle of text that says 'Sidee qalbiyada carruurteenna loo dejin karaa xilliyada qalalaasaha? Noqo ammaan kooda koowaad. Ilmuhu wuxuu wajigaaga inta uusan maqlin hadalkaaga. Haddii uu ku arko adigoo deggan, qalbigiisuna wuu degaa wuu kalsoonaadaa. fogeeya shaashadaha iyo wararka Wararka iyo muuqaallada qalalaasaha ahi waxay kordhiyaan cabsida iyo welwelka. Dhageysta dareenkooda. oggolaada inay cabbiraan yareynin waxă dareemayaan. Qaddariya oo dheha:

Xilliyada qalalaasaha iyo xaaladaha adag, carruurtu waxay si fudud u dareemaan cabsi iyo welwel. Sidaa darteed, waalidku wuxuu door muhiim ah ka qaataa dejinta qalbigooda iyo siinta dareen ammaan.


 

1. Noqo ammaan kooda koowaad


Ilmuhu wuxuu eegaa wajigaaga ka hor inta uusan maqlin hadalkaaga. Haddii uu ku arko adigoo deggan oo kalsooni leh, qalbigiisuna wuu degaa, wuxuuna dareemaa in uu badbaado ku jiro.


 

2. Ka fogeeya shaashadaha iyo wararka


Wararka iyo muuqaallada muujinaya qalalaasaha ama rabshadaha waxay kordhiyaan cabsida iyo welwelka carruurta. Waxaa wanaagsan in laga ilaaliyo wararka culus iyo muuqaalada dhibka leh.


 

3. Dhageysta oo u oggolaada inay cabbiraan dareenkooda


Carruurtu waxay u baahan yihiin in la dhageysto. Ha yareynin ama ha iska indhatirin waxa ay dareemayaan. U muuji faham adigoo ku leh:


"Waan fahmay inaad baqayso, waana kula joogaa.”


 

4. Isu soo dhowaanshaha iyo habsiintu waa daawo cabsi


Taabashada jirka sida habsiinta waxay si degdeg ah u yareysaa walbahaarka. Waxay carruurta siisaa dareen deggenaansho, jacayl iyo badbaado.


 

5. Bara awoodda ducada


Carruurta bar in ducadu tahay xadhigga kalsoonida Alle, isla markaana ay tahay hubka ugu weyn ee qofka qalbigiisa ku dejin kara.


 

Marka qalbiga ilmaha la siiyo ammaan, jacayl iyo tawakal, wuxuu awood u yeeshaa inuu ka gudbo xaaladaha adag isagoo leh qalbi xooggan iyo kalsooni.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...