Somaliland Oo Soo Saartay Amar Cusub Oo Ku Saabsan Shaqada Warbaahinta Iyo Ilaalinta Xuquuqda Carruurta

Saturday July 04, 2026 - 11:44:31
hadhwanaagnews
Dhanka kale, Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in aan loo oggolaan...



Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay awaamiir cusub oo lagu adkaynayo habraaca shaqada warbaahinta, iyadoo xoogga la saaray ilaalinta xuquuqda carruurta iyo dadka aan awoodin inay si buuxda uga jawaabaan ama go’aan uga gaadhaan in la duubo.


 

Sida lagu sheegay awaamiirta, waxaa si cad loo mamnuucay in muuqaal ama wareysi laga duubo carruurta da’da yar iyo dadka aan xiskoodu dhamaystirnayn, iyadoo tallaabadaas lagu sheegay mid lagu ilaalinayo xuquuqdooda iyo karaamadooda.


 

Dhanka kale, Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in aan loo oggolaan doonin qof ama warbaahin aan haysan ruqsad sharci ah ama suxufi aan wadan kaadhka aqoonsiga inuu ka hawlgalo goobaha dadweynaha isagoo adeegsanaya kamarad, taleefan ama makarafoon.


 

Wasaaraddu waxay sidoo kale farriin u dirtay laamaha ammaanka, iyadoo ku amartay inay hubiyaan aqoonsiga dadka isku sheegaya saxafiyiinta ee ka hawlgala suuqyada iyo goobaha kale ee dadweynaha. Waxaa la faray ciidamada inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo lagu helo inay ku shaqaynayso warbaahin iyada oo aan haysan aqoonsi ama ruqsad rasmi ah.


 

Go’aamadan ayaa lagu sheegay kuwo lagu xoojinayo nidaamka shaqada warbaahinta, ilaalinta anshaxa mihnadda saxaafadda iyo dhowrista xuquuqda gaarka ah ee bulshada.

     
Loading...