Xukuumada oo Dedaal Ku Bixinaysa Barashadda Farsamada Gacanta

Thursday September 18, 2025 - 12:08:39
hadhwanaagnews
Goob joog ka ahaanshaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,....



Daah-furka barnaamijka cusub ee xirfadaha farsamada gacanta ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, iyada oo kaashaneysa hay’addaha caalamiga ah ayaa ah tallaabo muhiim ah oo muujineysa sida iskaashiga dowladda iyo hay’adaha horumarineed ee caalamiga ah uu u horseedi karo horumar waara oo dhinaca waxbarashada iyo kobcinta dhaqaalaha bulshada ah.

Barnaamijkan oo ay ka faa’iideysan doonaan in ka badan 3,300 oo arday oo ku nool guud ahaan gobollada Somaliland, waxa uu ka tarjumayaa baahida sii kordheysa ee loo qabo helista xirfado gacameed oo tayo leh kuwaas oo gacan ka geysanaya yareynta shaqo la’aanta, gaar ahaan dhalinyarada. Farsamada gacanta waa xirfad muhiim ah oo u oggolaanaysa dhalinyarada in ay abuuraan fursado shaqo, horumariyaan ganacsigooda, isla markaana kaalin muuqata ka qaataan horumarinta dhaqaalaha qaranka.

Goob joog ka ahaanshaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Wasiiru-dawlaha, agaasimaha guud, iyo masuuliyiin kale oo muhiim ah oo ka tirsan dowladda ayaa caddeyn u ah sida ay Somaliland uga go’an tahay inay si dhab ah u horumariso waxbarashada farsamada gacanta. Dadaalkan ayaa ah mid ku dayasho mudan, isla markaana tusaale u noqon kara dalal kale oo badan oo ka tirsan Geeska Afrika iyo guud ahaan Afrika.

Agaasimaha Waaxda Farsamada Gacanta, Maxamed Cali Cumar, ayaa si xeel dheer uga hadlay baahida loo qabo barnaamijkan iyo sida ay u tahay furaha mustaqbalka dhalinyarada iyo dhaqaalaha dalka. Gudoomiyaha Waxbarashada Maroodi-jeex, Maxamed Xuseen Muuse, ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijku yahay tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo awoodda waxbarashada farsamada gacanta ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, agaasimaha guud Candiraxman Xuseen Xirsi, iyo Wasiiru-dawlaha Maxamed Yuusuf Ibraahim ayaa si rasmi ah u daah-furay barnaamijkan, iyaga oo ku dheeraaday muhiimada uu barnaamijku u leeyahay qaranka Somaliland. Waxay carrabka ku adkeeyeen in xirfadaha farsamada gacanta ay yihiin xudunta horumarka bulsho iyo dhaqaale, isla markaana ay tahay in la sii xoojiyo iskaashiga noocan oo kale ah si qaranku u gaadho himilooyinka horumarineed.

Barnaamijkan waxaa si weyn loogu baahan yahay in la taageero lana faafiyo, maadaama uu yahay mid si toos ah u taabanaya nolosha dhalinyarada, gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada miyiga ah, kuwaas oo inta badan ka maqnaada fursadaha waxbarasho ee tayada leh. Waxa kale oo uu dhiirrigelinayaa in la abuuro bulsho aqoon iyo xirfad leh oo ka qayb qaadata horumarinta bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha qaranka.

Gebogebadii, Somaliland waxay tusaale cad u tahay sida iskaashiga dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah uu u horseedi karo horumar waara oo ah dhinaca waxbarashada iyo xirfadaha gacanta. Waxaan rajeynaynaa in barnaamijkan uu noqdo mid midho dhal ah oo kor u qaada tayada waxbarashada, yareeya shaqo la’aanta, isla markaana xoojiya dhaqaalaha Somaliland iyo guud ahaan gobolka.

     
Loading...