Xukuumada oo Horumarinaysa Mustaqbalka Waxbarashada Somaliland ee Heer Gobol

Wednesday October 15, 2025 - 14:57:11
hadhwanaagnews
Kulankan oo qayb ka ah barnaamijka saddex biloodle e



Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale muujisay sida ay uga go’an tahay tayaynta iyo mideynta hanaanka waxbarasho ee dalka, iyada oo todobaadkan magaalada Burco ku qabatay kulan muhiim ah oo lagu falanqeynayay heerka waxbarashada ee gobalka Togdheer.

Kulankan oo qayb ka ah barnaamijka saddex biloodle ee dib-u-eegista waxbarashada, waxa isugu yimid masuuliyiin heer gobal ah oo ay ka mid yihiin Badhasaabka Togdheer Mudane Maxamuud Saleebaan Ramaax, iyo saraakiil sare oo ka tirsan qaybta waxbarashada gobalka. Ujeeddada ugu weyn ee kulankan ayaa ahaa sidii loo midayn lahaa qorsheyaasha waxbarasho ee heer gobal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada dugsiyada, isla markaana loo xoojin lahaa xirfadaha macalimiinta.

Warbixinaha lagu soo bandhigay kulanka waxay iftiimiyeen horumarka la taaban karo ee ka jira dugsiyada, balse sidoo kale waxay tilmaameen caqabadaha weli taagan sida agabka iyo baahida macalimiin tayo leh, iyo isku-dubaridka qaar ka mid ah qorshayaasha waxbarasho ee degmooyinka.

Tallaabadan ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waa mid mudan bogaadin, maadaama ay ka tarjumayso masuuliyad iyo qorshe fog oo lagu ilaalinayo mustaqbalka jiilka soo koraya. Horumarinta waxbarashadu ma aha oo kaliya dhisidda dugsiyo iyo bixinta buugaag, balse waa dhismaha maskaxda iyo xirfadda ubadka, taas oo saldhig u ah horumarka dhaqaalaha, bulshada, iyo siyaasadda dalka. Waxbarashadu waa hantida ugu qaalisan ee qaran leeyahay cid kastaana waa inay door ka qaadato ilaalinteeda iyo horumarinteeda.

     
Loading...