Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, ayaa si cad u muujiyey ballanqaadka xukuumadda ee ku wajahan horumarinta adeegyada caafimaadka, isaga oo xusay in siyaasadda guud ee caafimaadka dalku ay tahay in muwaaddin kasta oo reer Somaliland ah uu helo adeeg caafimaad oo tayo leh, isla markaana uu adeegaas caafimaad ku holo goobta iyo deegaanka uu joogo.
Wasiirku waxa uu si xeel dheer u sharraxay muhiimadda ay leedahay daadejinta adeegyada dowladda, gaar ahaan caafimaadka, taas oo ah hannaan awood siinaya bulshooyinka ku kala nool gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan. Wuxuu caddeeyey in qorshayaasha xukuumaddu ku taagan tahay ay xoogga saarayaan in adeegyadu gaadhaan qof kasta, si aanay adeegyada caafimaad u noqon kuwo u gooni ah magaalooyin kooban ama xarumaha waaweyn ee dalka oo keliya.
"Xukuumad ahaan caafimaadka siyaasad baannu ka leenahay. Bar-tilmaameedkayagu waa in qof kasta oo reer Somaliland ahi uu adeeg caafimaad oo u qalma ku helo halka uu joogo. Yoolkaas wuxuu u baahan yahay dhaqaale, awoodo iyo maamul daadejin buuxda,” ayuu yidhi Wasiirku.
Waxa kale oo uu muujiyey in qorshahani yahay mid si rasmi ah u socda oo ay bilawday xukuumadda waxqabad iyo wadajir, islamarkaana la rabo in la dhammeystiro si degmo kasta looga helo adeeg caafimaad oo joogto ah oo uu bixiyo dhakhtar aqoon leh. Tani waxay muujinaysaa in xukuumaddu ay si dhab ah u danaynayso in muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi uu si caddaalad ah u helo adeeg caafimaad (equitable access) oo bulshada oo dhan wada gaadha.
Aragtida Siyaasadeed ee Horumarinta Caafimaadka:
Qodobkani wuxuu muujinayaa horumar siyaasadeed oo dhinaca adeegyada bulshada ah, gaar ahaan marka la eego in siyaasadda caafimaadku aanay noqon mid ku saleysan waxqabadyo goos-goos ah, balse ay noqoto hannaan qaran oo loogu talagalay horumar waara. In lagu dedaalo oo la xoojiyo adeegyada caafimaad si qof kastaa ba u heli karo adeeg caafimaad oo tayo leh, waa tallaabo muuqata loo qaaday dhanka horumarka bulshada ah.
Gunaanad:
Hadallada Wasiirka Warfaafintu waa kuwo iftiiminaya geeddi-socodka hirgelinta nidaamka adeeg caafimaad oo ay bulshada Somaliland oo dhan si siman uga faa’iidaysan karaan. Tani waa waddada saxda ah ee lagu gaadhi karo horumar waara, laguna xaqiijin karo bulsho caafimaad qabta, isla markaana haysta xukuumad la dareen ah oo si wayn u danaynaysa xaaladooda nololeed, caafimaad iyo bulsha-ba.