Xukuumada oo Xoojinaysa Difaaca Qaranka JSL

Wednesday September 10, 2025 - 12:32:24
hadhwanaagnews
Madaxweynuhu wuxuu diirradda saaray horumarinta dhammaan dhinacyada....



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si cad u muujiyey himiladiisa qaran ee ku wajahan dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Qaranka Somaliland. Tan iyo markii uu xilka la wareegay, Madaxweynaha ayaa qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda iyo kartida ciidanka, si loo dhiso ciidan casri ah oo hufan, u diyaarsan difaaca dalka, kuna shaqeeya xirfad, qalab iyo nidaam casri ah.

Madaxweynuhu wuxuu diirradda saaray horumarinta dhammaan dhinacyada ciidamada, oo ay ka mid yihiin: qalabaynta tiknoolajiyadeed oo casriga ah, kor u qaadista mushaharka ciidamada, tayeynta tababarrada gudaha iyo dibadda, tirakoob rasmi ah oo lagu hagaajinayo nidaamka ciidamada, iyo sidoo kale dhisidda kaabayaasha nololeed ee askarta, taas oo wax weyn ka taraysa horumarinta nosha ciidanka.

Booqashadii ugu dasmbeysay ee Madaxweynaha JSL ku tagay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka 03/09/2025, ayaa si cad u muujiyey ahmiyadda weyn ee ay ciidamada dalku ugu fadhiyaan ilaalinta qarannimada, madax-bannaanida iyo nabadda. Booqashadu ma ahayn mid hab-maamuus oo keliya ah, balse waxay xambaarsaneyd farriin siyaasadeed oo mug weyn leh: in Ciidanka Qaranku yahay laf-dhabarta jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa shaaciyey in xukuumaddiisu dhawaan bilaabi doonto mashruuc ballaadhan oo guryo loogu dhisayo ciidamada, arrintaasoo qayb ka ahayd ballanqaadyadii ololihiisa doorashada. Waxa kale oo uu caddeeyey in kor loo qaadi doono tayada ciidanka iyadoo la kordhinayo tababarrada casriga ah, la xoojinayo qalabayntooda isla markaana la horumarinayo kaabayaasha ay ku shaqeeyaan.

Hadalkaas Madaxweynuhu wuxuu salka ku hayaa in askariga u adeegaya Somaliland uu helo nolol sharaf leh, ixtiraam iyo qadarin mudan in lagu ammaano waajibaadka qaran ee gudanayo habeen iyo maalin ba iyo mustaqbal sugan, si loo kordhiyo daacadnimadiisa iyo kartidiisa difaaca qaranka.

Intii uu kormeerka ku jiray, Madaxweynaha ayaa abaalmarin guddoonsiiyey saraakiil sare oo dhammeystay tababbaro heer caalami ah. Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in la dallacsiin doono dhammaan saraakiisha buuxisay shuruudaha dallacsiinta, taasoo ah mid dhiirrigelinaysa kartida iyo caddaaladda gudaha ciidamada.

Mashruucyo Taabanaya Nolosha Ciidanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro intii uu kormeerka ku jiray, waxa uu shaaciyey in dhawaan la bilaabi doono mashruuc ballaadhan oo guryo loogu dhisayo ciidamada, taas oo la jaanqaadaysa ballanqaadyadii ololaha. Waxa kale oo uu sheegay in la kordhin doono tirada iyo tayada tababarrada casriga ah, lana xoojin doono agabka iyo qalabka ay ciidamada ku shaqeeyaan.

Dhiirrigelin iyo Abaalmarin:

Madaxweynuhu wuxuu abaalmarin guddoonsiiyey sarkaal sare oo dhammaystay tababbar heer caalami ah, isagoo sidoo kale ballan qaaday in la dallacsiin doono dhammaan saraakiisha u qalma, si loo dhiirrigeliyo hufnaanta iyo caddaaladda gudaha ciidanka.

Kulamo Qoto Dheer oo Milatari

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Qaranka, Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan (Gaaxnuug), iyo saraakiisha sare. Kulankaasi waxa lagu falanqeeyey xaaladda guud ee ciidanka, baahiyaha degdegga ah iyo istaraatiijiyadaha lagu horumarin karo awoodda ciidanka qaranka.

Xoojinta Wada-shaqeynta Ciidanka iyo Dowladda:

Madaxweyne Cirro ayaa iftiimiyay in Ciidanka Qaranku yahay tiirka ugu weyn ee qarannimada Somaliland. Wuxuu si adag u dhaliilay cid kasta oo isku dayda inay ku xadgudubto shacabka iyo dalka Somaliland, isagoo yidhi:"Somaliland cidii ku soo gardaroota, guryahooda ayaanu ugu tagi doonna.”

Hadalkan ayaa muujinaya sida ay xukuumadda uga go’an tahay in ay difaacdo muwaadiniinteeda, islamarkaana ciidanku yahay hay’adda ugu weyn ee ilaalinta madax-bannaanida iyo amniga qaranka Somaliland, isla markaana uu ciidanka JSL yahay mid si hufan ugu adega shacabkiisa, isla markaana si buuxda ugu diyaar ah in uu sugo amnigooda, caddaaladda iyo sharafooda.

Somaliland: Ciidan Hufan iyo Hoggaan Qaran

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa beesha caalamka iyo waddamada dunida u muujisay in ay leedahay nidaam dimuqraadi ah, hay’ado dawladeed oo shaqeeya iyo ciidan qaran oo nidaamsan. Kormeerka Madaxweynaha ee Xarunta Taliska Guud waxay ahayd farriin cad oo ka turjumaysa in JSL ay leedahay ciidan dhisan oo ku filan difaaca qarankiisa, sidoo kale waa farriin si dhab ah ugu digaysa cadawga Somaliland.

Ciidanka Qaranka Somaliland waa tiirka ugu weyn ee suganaya jiritaanka, amniga, madax-bannaanida iyo xasilloonida dalka. Waa laf-dhabarta nidaamka dawladnimo iyo difaaca shacabka, waxaana laga sugayaa ilaalinta xuduudaha, nabadda gudaha iyo ka hortagga hanjabaadaha cadawga Somaliland ee dibadda.

Gunaanad

Tallaabooyinka uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ee ku wajahan horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Qaranka, waxa ay astaan u yihiin hoggaan leh aragti qaranimo iyo garasho qoto dheer oo ku salaysan baahida dhabta ah ee dalka iyo dadkiisa.

Horumarka ciidamada qaranka waa astaan cad oo muujinaysa in Somaliland ay tahay dal nabad iyo xasilooni ku dhisan, isla markaana diyaar u ah inay ka hortagto khatar kasta oo soo food saarta. Awoodda iyo diyaar-garowga ciidanka waxay sidoo kale kaalin weyn ka ciyaarayaan in dalka uu si nabad ah u horumaro, isla markaana uu yeesho jawi ammaan ah oo ganacsiga iyo maalgashiga u fudud.

     
Loading...