hadhwanaagnews
Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal xasiloon ayaa si kalsooni leh ugu socda jidka horumarka, dawladnimada casriga ah iyo dhinaca isku filnaashiyaha. Muddo kooban gudaheed, Somaliland waxay ku tallaabsatay horumar muuqda oo dhinacyo badan ah, laga bilaabo dhismaha hay’adaha dawliga ah, xoojinta nidaamka dimuqraadiyadda, illaa koboca dhaqaalaha iyo horumarinta tignoolajiyadda casriga ah.
Muddadii koobnayd ee ay jirtay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Somaliland waxay gaadhay heerar horumarineed oo la taaban karo. Waxaa la dhisay nidaam maamul-wanaag oo rasmi ah, waxaana la hirgeliyey hannaan maaliyadeed iyo canshuureed oo daah-furan oo lagu kalsoon yahay.
Iskaashiga u dhexeeya dawladda iyo ganacsatada gaarka loo leeyahay ayaa horseeday koboc dhaqaale iyo jawi ganacsi oo xasiloon. Magaalooyinka waaweyn ee dalka, sida Hargeysa, Boorama, Burco iyo Berbera, waxaa maanta laga dareemayaa horumar muuqda oo dhanka dhismaha, ganacsiga iyo adeegyada bulshada ah, taas oo muujinaysa dedaalada xukuumadda ee xoojinta adeegyada dawliga ah iyo sida shacabka Somaliland ugu heelan yihiin horumar iyo isbeddel togan.
Teknoolajiyadda iyo Horumarka Dijitaalka ah:
Teknoolajiyadda casriga ahi waxay noqotay laf-dhabarta horumarka Somaliland. Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad waxay xoogga saartay dhiirrigelinta iyo taageerada hal-abuurka dijitaalka ah. Carwooyinka iyo shirweynayaasha tignoolajiyadda sida Somaliland Technology Expo ayaa caddeyn u ah sida dhalinyaradu u noqdeen hormuudka hal-abuurka iyo halganka dijitaalka ah ee dalka.
Xukuumadda Somaliland ayaa qaaday tallaabooyin muhiim ah oo la xidhiidha dijitaalaynta adeegyada dawliga ah, sida bixinta cashuuraha, rukhsadaha iyo adeegyada kale ee muhiimka ah. Arrintan ayaa fududaysay adeeg bixinta bulshada, isla markaana dhistay kalsooni iyo daahfurnaan, taas oo Somaliland ka dhigtay tusaale ay ku daydaan dalalka kale ee Geeska Afrika.
Nabadda, Dimuqraadiyadda iyo Maamul-wanaagga:
Somaliland waa dal lagu faano marka laga hadlayo nabadda iyo dimuqraadiyadda ka dhalatay rabitaanka shacabka. Doorashooyin xor ah oo lagu kala guulaysto, hay’ado dawli ah oo shaqeeya, iyo bulsho u heelan midnimo iyo horumar ayaa noqday astaamaha lagu majeerto Somaliland ee ay dunidu ku bogaadiso.
Xasiloonida siyaasadeed ee ay dalka ku hoggaaminayso Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad, xoojinta diblumaasiyadda dhaqaalaha, iyo nabadda joogtada ah ayaa noqday saldhig adag oo lagu dhisayo horumar dhaqaale, ganacsi iyo isbeddel bulsho oo la taaban karo.
Himilo iyo Mustaqbal Iftiya:
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaaday tallaabooyin muuqda oo lagu dhiirrigelinayo arrimaha maalgashiga iyo koboca ganacsiga, iyadoo dejisay xeerar iyo habraacyo wax ku ool ah oo casri ah. Tallaabooyinkan waxay fududeynayaan maalgashiga gudaha iyo ka dibedda, waxay dhiirrigelinayaan hal-abuurka dhalinyarada, sidoo kalena waxay xoojinayaan horumarka ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Nidaamyadan iyo dedaalka joogtada ah ee xukuumaddu wado waxay sabab u noqdeen in ay si weyn u kordhaan xiisaha iyo daneeyayaasha caalamiga ah ee ku aaddan maalgashiga Somaliland. Dalal iyo shirkado waaweyn oo caalami ah ayaa muujiyey rabitaan dhab ah oo ay kaga faa’iidaystaan fursadaha ballaadhan ee khayraadka dabiiciga ah iyo muhiimadda juquraafiyadeed iyo istaraatiijiyadeed ee ay Somaliland u leedahay gobolka iyo caalam ka ba.
Isku geynta arrimahan oo dhan waxay dhidibada u taagayaan mustaqbal ifaya, horumar waara, iyo barwaaqo-sooran, kuwaas oo si cad u iftiiminaya in ay Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsanayso guulo waaweyn oo taariikhi ah, taas oo horseedi doonta in dalku uu noqdo mid lagu daydo, kuna kasbada ixtiraam iyo maamuus caalami ah.
Hoggaanka qaranka, Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si cad u muujiyay jiho cusub oo diirradda saaraysa tignoolajiyadda, kobcinta dhaqaalaha, iyo kor u qaadista adeegyada bulshada. Jamhuuriyadda Somaliland maanta waa dal iftiin iyo tusaale u ah Geeska Afrika, waana dal ku dhisan nabad, hal-abuur, iyo himilo mustaqbal oo ifaya.
Gunaanad
Jamhuuriyadda Somaliland maanta waa dal tusaale u ah sida nabadda, maamul-wanaagga iyo hal-abuurka bulsho ay u horseedi karaan horumar waara. Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro waxay muujisay hannaan hoggaamineed oo firfircoon, kaas oo diiradda saaraya adeeg bulshada, koboc dhaqaale iyo horumar dijitaal oo la taaban karo.
Horumarka Somaliland waa mid ka dhashay wada-shaqayn dhab ah oo u dhexaysa dawladda iyo shacabka. Nidaamka siyaasadeed ee xukuumadda oo ku dhisan daah-furnaanka iyo kalsooni ayaa ka dhigay Somaliland dal ay dunidu ku bogaadiso xasilloonida, cadaaladda iyo hufnaanta maamulka.
Mustaqbalka dhow, Somaliland waxay u muuqataa mid si isa soo taraysa u xoojinaysa jidka horumarka, iyadoo ku tallaabsanaysa tignoolajiyad casri ah, ganacsi kobcaya, iyo bulsho mideysan oo ku dhisan himilo iyo horumar. Waa dal ku socdo waddadii horumarinka, taas oo xaqiijinaysa "Somaliland adag, isku filan, oo dijitaal ah” Dal ku faana aqoonta, hal-abuurka iyo nabad, midnimo iyo wadajir.