Wasaaradda Waxbarashada iyo Machadka CSI oo Ka Wada Hadlay Horumarinta Imtixaannaadka Qaranka

Friday June 19, 2026 - 15:39:23
hadhwanaagnews
Cilmi-baadhis Ku Saabsan Imtixaannaadka Qaranka



Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa kulan la yeeshay madax iyo saraakiil ka socday Machadka Shaqaalaha Dawladda (CSI), kuwaas oo soo bandhigay cilmi-baadhis ku saabsan imtixaannaadka shahaadiga ah ee dalka.


 

Kulanka ayaa waxa ka qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Agaasimaha Guud, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka, ku-xigeenkiisa iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.

 

Cilmi-baadhis Ku Saabsan Imtixaannaadka Qaranka

 

Saraakiisha Machadka Shaqaalaha Dawladda (CSI) ayaa kulanka ku soo bandhigay cilmi-baadhis ay ka sameeyeen nidaamka imtixaannaadka shahaadiga ah, caqabadaha jira iyo talooyin lagu horumarin karo siyaasadaha Qaranka ee Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka.

 

Cilmi-baadhistan ayaa waxaa diyaariyey Kuliyadda Cilmi-baadhista iyo Aqoonta Maamulka iyo Maaraynta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda (CSI).

 

La Dagaallanka Qishka Imtixaannada

 

Daraasadda ayaa si gaar ah diiradda u saartay sidii loo yarayn lahaa qishka iyo eegashada imtixaannada, kuwaas oo loo arko caqabad weyn oo saamayn ku leh tayada waxbarashada iyo aqoonta ardayda.

 

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay habab cusub iyo siyaasado lagu xoojin karo hufnaanta imtixaannaadka iyo ilaalinta tayada waxbarashada.

 

Xoojinta Tayada Waxbarashada

 

Kulanka ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la horumariyo nidaamka imtixaannaadka Qaranka, si loo helo arday leh aqoon tayo leh oo ka qayb qaata horumarka dalka.

 

Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqaynta iyo hirgelinta talooyinka ka soo baxay cilmi-baadhista si loo horumariyo tayada waxbarashada Somaliland.

     
Loading...