hadhwanaagnews
Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta, Danjire Mascuud Cali, ayaa ka hadlay farqiga u dhexeeya dawladnimada casriga ah iyo nidaamkii Khilaafadda Islaamka, isaga oo bulshada ugu baaqay inay si qoto dheer u fahmaan doodaha la xidhiidha qaranimada, xuduudaha iyo muqaddasaadka Islaamka.
Safiirka ayaa sheegay in nidaamka dawladaha maanta dunidu ku dhisan tahay uu salka ku hayo heshiiska Montevideo Convention ee sannadkii 1933, kaas oo qeexaya shuruudaha dawladnimada casriga ah, halka nidaamkii Khilaafadda Islaamku uu ku salaysnaa midnimo diimeed oo aan ku xidhnayn xuduudo qaran.
Waxa uu sidoo kale falanqeeyey doodaha ku saabsan Maka, Madiina iyo Qudus, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la kala fahmo waajibaadka ilaalinta dawladnimada qaran iyo dhowrista muqaddasaadka Islaamka.
Ugu dambayn, Danjire Mascuud Cali ayaa bulshada ku boorriyey inay si miyir leh u falanqeeyaan arrimahaas, isla markaana ay ka fogaadaan jahawareerka ka dhasha isku dhex-yaaca doodaha siyaasadeed iyo kuwa diimeed.