Wasaaradda Tamarta Somaliland oo soo Jiidatay Daneeyayaasha Caalamiga ah ee Macdanaha

Monday September 01, 2025 - 12:39:15
hadhwanaagnews
Sida ka muuqata dadaallada xooggan ee socda, Wasaaraddu waxay


Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale muujisay kaalinteeda istiraatiijiga ah ee gobolka, iyada oo si firfircoon u soo jiidanaysa maalgashadayaasha caalamiga ah ee xiisaynaya fursadaha khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta dalka. Kulamo dhowaan ka dhacay xarunta Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa muujiyey sida ay hoggaanka wasaaraddu uga go’an tahay taabbogelinta horumar waara, xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyo kobcinta dhaqaalaha iyada oo loo marayo maalgashi masuuliyad ku dhisan.


 

Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland waxay si cad u muujisay himilo qaran oo qoto-dheer, taas oo lagu higsanayo horumar ballaadhan oo la xidhiidha ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah iyo soo jiidashada maalgashadayaasha caalamiga ah. 25-kii August 2025, Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay wefti ka socday dalka Kuwayt oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha shirkadda OilServ Kuwait, si looga wada hadlo maalgashiga iyo horumarinta khayraadka Somaliland. Kulankan iyo kuwa kale ee la midka ahaa waxay ka tarjumayaan istiraatiijiyadda dalka ee ku dhisan abuurista jawi hufan oo maalgashi, dhiirrigelinta iskaashiga caalamiga ah, iyo abuurista fursado dhaqaale.

 

Sida ka muuqata dadaallada xooggan ee socda, Wasaaraddu waxay caddeysay in ay si taxaddar leh u wajahayso hawl-gallada la xidhiidha xoojinta iskaashiga maalgashiga caalamiga ah iyo dhisidda xidhiidhada wax ku oolka ah ee lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka. Dadaalladan waxa lagu hagayaa hannaan ku salaysan mas’uuliyad bulsho iyo ilaalinta deegaanka. Tallaabadaas ayaa iftiiminaysa go’aan qaadashada wasaaradda ee ku salaysan habraacyada sharci ee lagu hagayo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee JSL. Arrimahani waxa ay Somaliland u fureyaan saaxad cusub oo istiraatiiji ah, isla markaana horseedi kara sumcad caalami ah iyo koboc dhaqaale oo dhaxal-gal ah.

 

Heshiisyada is-afgarad iyo booqashooyinka shirkadaha caalamiga ah ayaa albaab cusub u furaya fursadaha maalgashi, shaqo-abuur, kobcinta xirfadaha shaqaalaha iyo horumarinta warshadaha tamarta iyo macdanta. Waxa kale oo ay muujinayaan sida ay Somaliland uga go’an tahay in ay si masuuliyad leh uga faa’iidaysato khayraadkeeda dabiiciga ah, iyada oo la hubinayo in horumarka dhaqaale iyo maalgashigu aanu ahayn mix wax u dhimaya arrimaha bulshada iyo ilaalinta deegaanka.

 

Somaliland maanta waxay taagan tahay meel muhiim ah oo furan, iyadoo diyaar u ah iskaashi waara oo ay la yeelato shirkadaha iyo hay’adaha caalamiga ah. Tallaabooyinkan ayaa horseedi doona koboc dhaqaale, xasillooni iyo sumcad caalami ah oo sii xoogaysanaysa, isla markaana dhidibada u taagi kara mustaqbal ifaya oo ku dhisan tamar, horumar iyo wada-shaqayn istiraatiiji ah.

 

Kulamada Kale ee Muhiimka ah:

 

19-kii July 2025, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland, Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wakiillo ka socday shirkadaha Phoenix Resources, Feed the Hungry, iyo Gaskins Advisory Limited (UK). Kulankaas ayaa diirradda lagu saaray ballaadhinta iskaashiga maalgashi, ilaalinta deegaanka, kobcinta xirfadaha shaqaalaha macdanta, iyo taageeridda nolosha bulshada ku tiirsan khayraadka dabiiciga ah. Intii kulanka lagu guda jiray, waxa la saxeexay heshiis is-afgarad (MoU), kaas oo saldhig u noqon doona iskaashi muuqda oo laga filayo in uu hor seedo horumar baaxad leh.

 

Sidoo kale, weftiyo ka kala socday shirkadda Arab-African Economy ee dalka Sucuudiga iyo Ururka Ganacsiga Taiwan ayaa booqasho ku yimid Somaliland si ay u sahamiyaan fursadaha maalgashi ee dhinacyada tamarta, macdanta iyo kaabayaasha dalka. Kulamadan ayaa lagu falanqeeyay mashaariic horumarineed, ilaha tamarta la cusboonaysiin karo sida cadceedda, dabaysha iyo geothermal, iyo sidoo kale xeerarka maalgashiga shisheeye. Labada dhinac waxay muujiyeen rajo wanaagsan oo ku aaddan iskaashi dhaqaale iyo horumar waara.

 

Intaa waxaa dheer, shirkadda Island Green Power (UK) ayaa muujisay xiisaha ay u qabto ka qayb qaadashada horumarinta nidaamka tamarta Somaliland, gaar ahaan mashaariicda tamarta cadceedda iyo kaydinta tamarta. Shirkaddu waxay ballanqaadday taageero farsamo iyo maalgashi, taas oo qayb ka noqonaysa yoolka Somaliland ee ah kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta tamar nadiif ah oo waarta.

 

Kulamadan iyo iskaashiyada cusub waxay si cad u muujinayaan sida Somaliland uga go’an tahay ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah si mas’uuliyad leh, abuurista fursado shaqo, horumarinta xirfadaha shaqaalaha, iyo dhiirrigelinta maalgashiga caalamiga ah. Somaliland waxa ay maanta u taagan tahay albaab furan oo maalgashi iyo horumar, iyadoo diyaar u ah in ay la shaqeyso shirkadaha iyo hay’adaha caalamiga ah si loo gaadho mustaqbal dhaqaale iyo bulsho oo ifaya.

 

Tani waa fursad muhiim ah oo mar kale muujinaysa sida Somaliland ay uga go’an tahay horumarinta dhaqaalaha, ilaalinta deegaanka, iyo abuurista fursado isku dheelitiran oo wax ku ool ah.

     
Loading...