Kulanka ay yeesheen Madaxda Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo madaxda Jaamacada Hargeysa ayaa ahaa tallaabo qaran oo lagu dejinayey saldhig istiraatiiji ah oo lagu dhisayo iskaashi cilmiyeed iyo adeeg caafimaad oo isugu jira xoolaha, dadka iyo deegaanka, iyadoo la adeegsanayo habka casriga ah ee loo yaqaan "One Health Approach”. Kulankan waxa hoggaaminayey Wasiirka, Mudane Cumar Shucayb Maxamed, oo uu wehelinayey Wasiir Ku-xigeenka, Mudane Cali Axmed Cabdi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda,
Tani waa aragti wax-ku-ool ah oo ay muddooyinkii u dambeeyey hirgelinayeen dalalka horumaray iyo kuwa soo koraya labadaba, taas oo lagu garowsaday in caafimaadka bini’aadamka, xoolaha, iyo deegaanka aanay kala maarmi karin, iyada oo ay caddahay in haddii hal dhinac oo ka mid ah uu xanuun ama dhibaato ku timaaddo, in uu saamayn weyn ku yeelanayo dhinac kale.
Maxaa Laga Faa’iidayaa One Health?
Hirgelinta barnaamijkan waxay Somaliland u leedahay faa’iidooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Kordhinta caafimaadka xoolaha, taas oo si toos ah u horumarinaysa dhaqaalaha xoolo-dhaqatada iyo dhoofka xoolaha ee dalka. Ilaalinta caafimaadka dadweynaha, maadaama cudurrada badan ay ka soo gudbaan xoolaha ama deegaanka. Xoojinta cilmi-baadhista iyo iskaashiga waxbarasho, iyadoo la adeegsanayo aqoonta iyo kartida jaamacadaha sida Jaamacadda Hargeysa iyo Yareynta cudurrada faafa ee kasoo burqan kara deegaanka, sida anthrax, daacuunka xoolaha iyo xanuunnada zoonotic ah (kuwa xoolaha iyo dadka ka dhaxeeya).
Doorka Jaamacadda Hargeysa
Waxaa si weyn loo bogaadinayaa doorka Jaamacadda Hargeysa oo u muuqata in ay diyaar u tahay inay noqoto xarun cilmiyeed oo lagu kobciyo aragtida One Health, iyadoo laga bilaabayo tababaro, cilmi-baardhis, iyo aqoon isweydaarsi u dhexeeya bahda caafimaadka xoolaha, caafimaadka guud, iyo deegaanka. Jaamacaduhu waa laf-dhabarka horumar waara haddii si xikmad leh loogu xidho baahiyaha bulshada.
Gunaanad
Iskaashigan cusub ee u dhexeeya Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Jaamacadda Hargeysa waa mid wax ku ool ah oo mudan in lagu bogaadiyo. Waxa uu tusaale u yahay sida hay’adaha dawladda iyo tixgelinta kuwa aqoonta u leh doorkooda lagu gaadhi karo nidaam caafimaad oo dhamaystiran, kuna saleysan cilmi iyo iskaashi.
Somaliland waxay leedahay fursad dahabi ah oo ay ku noqon karto hormuudka aragtidan ee gobolka Geeska Afrika. Waxa kaliya ee loo baahan yahay waa in la sii xoojiyo xidhiidhka u dhexeeya wasaaradaha, jaamacadaha, bulshada, iyo hay’adaha caalamiga ah si loo dhiso mustaqbal caafimaad leh oo isku dhafan.