Iyada oo waddamada dunida intooda badani ay ku tartamayaan sidii loo heli lahaa habab casri ah oo wax ku ool ah oo lagu maamulo isla markaana lagu maareeyo kheyraadka maxaliga ah iyo dakhliga cashuuraha, xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa qaaday tallaabo geesinimo leh oo muujinaysa himilo cad oo ku aaddan horumarinta iyo maamulka dhaqaalaha iyo dakhliga qaranka.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland ayaa si rasmi ah u hirgelisay hannaan casri ah oo online ah (E-Notary System) kaas oo loogu talagalay nidaaminta iyo sugidda dakhliga cashuuraha kala wareejinta iibka hantida sida guryaha, dhulka, beeraha, gaadiidka iyo wixii la mid ah. Tani waa tallaabo muhiim ah oo ka tarjumaysa baahida loo qabo nidaam dhaqaale hufan, iyo hannaan daah-furnaan ah, oo la jaan qaadaya horumarka tiknoolajiyadda, isla markaana dardar gelinaysa maamulka dakhliga cashuuraha. Habkani waxa uu muwaadiniinta iyo ganacsatada u fududeynayaa inay si ammaan ah oo sahlan u gutaan waajibaadkooda cashuureed, iyaga oo laga fogaanayo nidaam dhaqameedkii hore oo mararka qaar keenayay dib u dhac iyo musuqmaasuq.
Nidaamka cusub wuxuu yareynayaa kharashaadka iyo waqti lumiska, wuxuuna kordhinayaa hufnaanta iyo isla xisaabtanka dakhliga, isagoo xoojinaya kalsoonida shacabka ee nidaamka cashuuraha iyo xidhiidhka dowladda iyo muwaadiniinta. Sidoo kale, hannaan-kan dijitaalka ah ayaa qeyb ka ah qorshe ballaadhan oo Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL u dejisay horumarinta dhaqaalaha dalka, kaasoo ku saleysan adeegyada casriga ah, kor u qaadista dakhliga gudaha, iyo dhisidda nidaam maaliyadeed oo xasiloon.
Xukuumadda Somaliland waxay si firfircoon ugu baaqeysaa bulshada iyo ganacsatada inay ka faa’iideystaan hannaankan cusub, si loo xaqiijiyo himilooyinka horumarineed ee qaranka iyo in la helo adeegyo bulsho oo tayo sare leh. Tallaabadan horumarineed ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland waxay astaan u tahay hoggaan hufan oo ay ka go’an tahay dhisidda nidaam maamul oo caddaalad iyo hufnaan ku dhisan, taasoo horseedi doonta horumar dhaqaale oo waara iyo nidaam dowladeed oo casri ah.
Farriimaha Joogtada ah ee Wacyigelinta Cashuur Bixiyayaasha Somaliland:
Wasaaradda Maaliyadda JSL waxay si joogto ah u soo saartaa farriimo wacyigelin ah oo loogu talagalay muwaadiniinta iyo ganacsatada cashuur bixiyayaasha ah, si kor loogu qaado fahamka iyo muhiimadda cashuur bixinta ee horumarinta qaranka.
Cashuurta Shaqaalaha (Payroll Income Tax):
Wasaaradda Maaliyadda JSL, sidoo kale farriimaheeda wacyigelinta ah waxay muwaadiniinta iyo ganacsatada si joogto ah ugu dhiirrigeliyaan in ay si masuuliyad leh u gutaan waajibaadka qaran ee cashuur bixinta. Farriimahaasi waxay si gaar ah diiradda u saaraan muhiimadda bixinta cashuurta shaqaalaha, iyadoo loo shaqeeyeyaasha lagu xasuusiyo in ay waajib dastuuri ah tahay bixinta cashuurta shaqaalaha 15-ka bil kasta. Tacriifadduna ay tahay qadar dhan 6% kaliya.
Cashuurta Iibka Adeegyada iyo Badeecadaha (GST):
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland sidoo kale waxay bulshada ku wacyigelisaa muhiimadda bixinta cashuurta iibka (GST) iyo kaalinta ay cashuurtaasi ka qaadan karoto horumarka qaranka iyo bixinta adeegyada asaasiga ah ee dawladda. Farriimahani waxay xoojinayaan in: "Iibiyeyaasha ay waajib ku tahay inay bixiyaan cashuurta iibka 21-ka bil kasta, iyadoo tacriifaddu tahay qadar dhan 5% kaliya.” Cashuuraha oo lagu bixiyo wakhtigeedu waxay si toos ah taageertaa horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, iyo dhismaha hay’ad maaliyadeed oo lagu kalsoonaan karo.
Dedaalada wasaaraddu wado ee lagu horumarinayo nidaamka cashuuraha, gaar ahaan cashuurta iibka adeegyada iyo badeecadaha (GST) iyo cashuurta shaqaalaha (Payroll Tax), waxay muhiim u yihiin dhisidda dhaqaale adkeysi u leh isbeddelada dhaqaale ee dunida iyo xaaladaha gobolka.
Kobaca Dhaqaalaha iyo Dakhliga Maxaliga ah:
Dedaaladaasi waxay keeneen in uu kor u kaco dakhliga maaliyadeed ee Somaliland iyo habsami u socodka odoroska miisaaniyadda qaranka. Sida uu caddeeyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan, oo 10-kii September 2025 Golaha Wasiirrada u soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee hawlaha dakhliga qaranka iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka. Wasiirku wuxuu caddeeyey in dhammaan hawlaha ururinta dakhliga qaranka, gaar ahaan odoroska bishan September 2025, ay si habsami leh u socdaan isla markaana ku socdaan qorshihii iyo yoolalkii horay loo dejiyey.
Waxa kale oo uu wasiirku xusay in daraasado iyo qorshayaal muhiim ah oo lagu xoojinayo dhaqaalaha dalku ay si nidaamsan u socdaan, sidoo klae waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay ku hawlantahay qorshe ballaadhan oo lagu cayminayo dhammaan gaadiidka dowladda si loo xoojiyo daryeelka gaadiidka dowladda. Warbixintan ayaa muujinaysa sida Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ay uga go’an tahay horumarinta iyo sugidda dakhliga qaranka, iyadoo la adeegsanayo iskaashi dowladeed iyo qorsheyaal istiraatijiyadeed oo waaweyn, si loo gaadho koboc dhaqaale oo waara.
Dedaalada Joogtada ah ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland
Dedaalada joogtada ah ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland waxa kale oo ka mid ah curinta iyo dhaqan-gelinta Xeer-nidaamiyaha la Dagaalanka Kootarabaanka. Tani waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hufnaanta iyo cadaaladda dhaqaalaha, isla markaana lagaga hortagayo musuqmaasuqa iyo wax isdaba marin kasta oo dhaawici kara dakhliga qaranka iyo kalsoonida bulshada.
Xeer-nidaamiyaha La Dagaalanka Kootarabaanka:
Xeer-nidaamiyaha La Dagaalanka Kootarabaanka ayaa muhiimad weyn u leh Wasaaradda Maaliyadda Somaliland iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka. Xeerkan wuxuu ka hortagayaa khiyaamooyinka iyo ku takri-falka cashuuraha, isaga oo xaqiijinaya in dhammaan muwaadiniinta iyo ganacsatada ay si cadaalad ah uga qeyb qaataan bixinta cashuuraha. Tani waxay ka ilaalinaysaa dakhliga qaranka inuu yaraado ama la lunsado, taasoo suurtogal ka dhigaysa in dowladda ay hesho dhaqaale ku filan oo lagu maalgeliyo adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed. Sidoo kale, xeerkan wuxuu dhiirrigelinayaa nidaam maamul oo hufan, isla xisaabtan leh, taasoo sare u qaadaysa kalsoonida shacabka iyo maalgashiga gudaha iyo dibadda. Guud ahaan, Xeer-nidaamiyahani waa aalad muhiim ah oo lagu xaqiijinayo daahfurnaan iyo xasillooni dhaqaale oo waarta.
Gunaanad: Dhiirrigelin, Daahfurnaan, iyo Horumar Waara
Tallaabooyinka casriga ah ee ay qaaday Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, sida hirgelinta nidaamka E-Notary iyo wacyigelinta bixinta cashuuraha, waxay muujinayaan hoggaan leh aragti fog oo u heellan dhismaha nidaam dhaqaale hufan, caddaalad ah, una adeega bulshada. Sidoo kale, hirgelinta Xeer-nidaamiyaha La Dagaalanka Kootarabaanka waxay astaan u tahay dadaalka dowladda ee la dagaalanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta dakhliga qaranka, iyadoo sare loo qaadayo kalsoonida shacabka iyo hufnaanta maamul.
Wargeyska Dawan wuxuu shacabka, gaar ahaan ganacsatada iyo cashuur-bixiyayaasha, ku dhiirrigelinayaa in ay si firfircoon uga faa’iideystaan nidaamyada casriga ah, una arkaan cashuur-bixinta waajibaad qaran iyo fursad lagu dhisayo mustaqbal ifaya.