Heshiiskii lagu kala saxeexday magaalada Hargeysa 10-kii September 2025, ee u dhexeeyay hay’adda maalgelineed ee caalamiga International Finance Corporation (IFC) oo ka tirsan Bangiga Adduunka (World Bank Group) iyo Bangiga dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu calaamad u yahay horumar muuqda oo ku yimid dadaallada xukuumadda Somaliland, gaar ahaan hoggaanka Bangiga dhexe ku horumarinayso kaabayaasha maaliyadeed ee dalka.
Heshiiskani waxa uu salka ku hayaa hirgelinta Diwaanka Tixraaca Daymaha iyo Rahanka (Credit Reference Bureau), kaas oo ah hannaan casri ah oo diirradda saaraya dhisidda kalsoonida dhaqaale, kor u qaadista amaahda mas’uulka ah, iyo horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.
In la helo nidaam xog-ururin oo sugan oo diirradda saaraya taariikhda amaahda macaamiisha waxa uu fure u yahay dhaqaale kobca. Bangiyada iyo hay’adaha kale ee maaliyadeed waxa ay heli doonaan xog muhiim ah oo ka caawinaysa in go’aannada ay ku saleeyaan amaah-bixinta ay noqdaan kuwo xaqiiq ku dhisan, halkii ay ku salaysnaan lahaayeen odoros aan buuxin baahida suuqyada casriga ah.
Sidoo kale, nidaamkan waxa uu dhiirrigelin doonaa masuuliyadda macaamiisha iyo hab-raacyada maaliyadeed ee wanaagsan, isaga oo meesha ka saaraya jahawareerka ama hubanti la’aanta ka dhalan karta amaah bixinta aan la haynin xog sugan. Waxa kale oo uu fududayn doonaa in ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe (SMEs) ay helaan amaah rasmi ah, taas oo door muhiim ah ka ciyaarta koritaanka dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dal kasta oo dunida ah.
Tallaabadani waxay sidoo kale muujinaysaa heerka ay xukuumadda Somaliland ka gaadhay diyaargarowgeeda ku wajahan kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo la jaanqaadidda nidaamyada caalamiga ah. Dhinaca kale, mashaariicaha horumarineed iyo heshiisyada noocan ahi waxay caddeyn u yihiin in dalka uu leeyahay hay’ado u bisil in ay la jaanqaadaan dunida horumartay iyo nidaamyada casriga ah ee lagu hogo hago dhaqaalaha iyo maaliyadda, sidoo kalena u diyaarsan in ay si hufan ula shaqeeyaan hay’addaha maaliyadeed ee caalamiga ah ee ay iskaashiga wada-leeyiin, isla markaana leh himilooyin horumarineed oo fog.
Ugu dambayn, Bangiga Dhexe ee Somaliland iyo hay’adaha la-hawlgalaya waa in ay si hufan oo daahfuran una hirgeliyaan mashruucan, si kalsoonida shacabka iyo hay’adaha caalamiga ahba ay u sii kordhaan. Waxa sidoo kale muhiim ah in la tixgeliyo asturnaanta xogta macaamiisha iyo ilaalinta xuquuqdooda dhaqaale.
Heshiiskani wuxuu noqon karaa tiir-dhexaadka koboca dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo sal u noqon kara fursado horumarineed oo baaxad leh. Sidoo kale, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland u suurtagelin karaa in ay noqoto tusaale buuxa oo ay ku daydaan waddamada kale ee mandaqadda Geeska Afrika, gaar ahaan dhinacyada madax-bannaanida maaliyadeed, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah.
Waxa la joogaa xilligii laga faa’iidaysan lahaa fursaddan taariikhiga ah iyo mashruucan ballaadhan, si looga dhigo mid wax ku ool ah oo wax weyn ka beddela nolosha maaliyadeed ee muwaadiniinta Somaliland.