Shirka Todobaadlaha ah ee Agaasime waaxeedyadda kala duwan ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Tuesday September 02, 2025 - 13:22:49
hadhwanaagnews
Shirkan oo todobaadkiiba mar qabsooma ayaa ujeeddadiisu

May be an image of 10 people, table and text
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku shir-guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Agaasime-waaxeedyada kala duwan ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Shirkan oo todobaadkiiba mar qabsooma ayaa ujeeddadiisu ahayd dib-u-eegis iyo qiimayn lagu sameeyo habsami u socodka hawlaha shaqo ee wasaaradda, iyadoo sidoo kale layskaga xog-waraystay waxyaabihii qabsoomay toddobaadkii hore iyo caqabadaha jira si wadajir ah loogu wajaho.

Agaasimaha Guud ayaa warbixino kala duwan ka dhagaystay agaasime-waaxeedyada wasaaradda, waxana uu ku amaanay sida hufan ee ay u wadaan hawlaha shaqo ee loo igmaday. Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay inay sii dardar-geliyaan hawlaha ay qaranka iyo wasaaradda u hayaan.
     
Loading...